torsdag, april 18, 2024

Gabar soomaali ah oo u sharaxan bilada «Jenteprisen»

Sumayo Jirde  Ali oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah ayaa sanadkan kamid ah 30 qof oo u sharaxan bilada «Jenteprisen» oo ah bilad sharafeed uu bixiyo ururka caalamiga ah ee Plan, laantiisa dalkan Norway.

Biladan ayaa la bixin doonaa maalinta gabdhaha aduunka ee qaramada midoobay oo ku beegan 11-ka October, waxaana qofka la siinayo go´aan ka gaari doono gudi madax banaan.

Sumayo ayaa sidoo kale u sharaxan bilad la siiyo qofka sanadka ee magaallada Bodø oo ay degantahay. Jirde ayaa kamid ah dhalinyarada aadka uga qeybqaato doodaha ka socdo warbaahinta Norway iyo baraha bulshada, gaar ahaan doodaha ku saabsan xijaabka, cunsuriyada iyo aqoonsiga shaqsiyeed ee gabadha muslimka ah ama soo galootiga ah.

Xigasho/kilde: Avise-Nordland.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x