Faalo siyaasadeed: Sidee u wada shaqeyn doonaan Høyre, Frp, Venstre iyo KRF?

0
242
Abdirashid B Hersi: Ardey, cilmiga siyaasada, jaamacada Sør-ost Norge

Waxaa mudo tobaneeyo casho ahi kasoo wareegatay wakhtigii ay dhacday doorashada wadankan Norway oo ahayd 11 sep ee sanadkan, haddaba waxaa natiijadaas kusoo baxay marlabaad xisbiyada isbahaysiga midigta ee waddankan katalinayay ilaa iyo sep 2013. Xisbiyadan oo kala ah Høyre, Frp oo dawlada qaybasada iyo Venstre, Krf oo ah labada xisbi oo aqlabiyada siiya xukuumada, laakiinse aan iyagu xili kahaynin dawlada.

Haddaba xisbiyadan afarta ah ee uu hormuudka u yahay xisbiga Høyre ayaa aad ugu kala fog aragtiyo badan oo ku saabsan dhinacyo badan oo ay kamidyihiin, siyaasaddaha deegaanka oo ay ugu horayso qodinta goobo cusub oo saliida laga qodayo waqooyiga dalka oo ay gabi ahaanba diidanyihiin Venstre iyo Krf. Waxay kaloo isku khilaafsanyihiin siyaasadaha arrimaha dibada, soo galootiga, waxbarashada iyo qoyska.

Iyada oo xukuumada uu hogaaminayo høyre uu ubaahanyahay dhamaan saddexda xisbi ee kale sii u helo aqlabiyad baarlamanka ah, waxaa aad u kala fogaanaya siyaasadaha xisbiyada Venstre iyo Krf oo dhinaca, badankana lagu tilmaamo dhexdhexaad iyo Frp oo ah xisbi badanka leh siyaasad fog oo xagga midigta ah, badankana lagu sheego xagjirnimo oo leh afkaar siyaasadeed oo kadhan ah soo galootiga.

Dhawr iyo tobankaa casho ee kasoo wareegay wakhtiga ay doorashada dhacday ayaa waxaa wada hadalo u socdaan afarta xisbi iyo qaabka ay u wada shaqayn karaan, waxaase aad looga dayrinayaa in ay afartan xisbi dawlad ay u dhanyihiin soo dhisi karaan. Venstre iyo Krf ayaa ku adkaysanaya in ay dawlada kasaaraan Frp oo ay saddexdooda kale dhisaan, laakiinse Frp ayaa iyagu ku adkaysanaya in ay kusii jiri doonaan dawlada cusub

Saadaasha dawlada cusub:

Hadii aan intaas isla fahanay su, aashu waxay tahay, sidee u ekaan doontaa dawlada cusub ee ay Erna Solberg soo dhisi doonto. Krf ayaa i yagu cadeeyay ina aanay dawlad lagalayn Frp, taas oo uu afhayeenka xisbigu Knut Arild Hareide uu cadeeyay kadib kulan xisbiyeedka ay yeesheen jimcihii u danbeeyay, wuxuu kaloo Krf cadeeyay in aanay taageeridoonin dawlada oo ay siinayeen tageero baarlamaan afartii sano ee lasoo dhaafay, waa hadii Frp dawlada lagu daro.

Saadaasha ayaa u badinaysa in uu Krf kabaxo wada shaqaynta midigta oo noqdo mucaarad, taas oo xisbiyada kale ee midigta ku keenaysa in ay waayaan aqlabiyada baarlamaanka. Isla mar ahaantaana hoos u dhigi doonta awooda dawlada.

Hadii ay sidaasi noqoto waxay dowlada uu Høyre hogaaminayaa ay noqondoontaa mid aad ugu xidhan baarlamka oo ay u baahantahay in ay mariso wax kasta oo ay rabto in ay fuliso. Venstre ayaa iyaguna sidoo kale ka walaacsan wadashaqayn dhexmarta iyaga iyo Frp oo lagayaabo qudhoodu in ay mucaarad noqdaan.

Erna Solberg ayaa waxaa utaala hawl culus oo diblomaasiyeed, sabatoo ah waxay u baahantahay dhamaan saddexda xisbi ee kale. Waxayse u egtahay in ay ku khasbayso kala doorashada Frp ama Venstre iyo Krf.

W.Q: Rashid B Hersi

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments