Denmark: Xisbi soo jeediyay in lacagta waalidka loo diido haweenka xirta indho-shareerka!

0
246

Xisbiga Socialdemokratiet(Ap-ga Denmark) oo kamid ah xisbiyada ugu waaweyn dalka Denmark ayaa soo jeediyay in lacagta la siiyo hooyooyinka guri joogo ah ee dhalay ilmaha laga gooyo haweenka muslimiinta ah ee qirta indho-shareerka.

Waxeyna sheegeen in qof indho-shareer xiran uusan ka qeybqaadan karin suuqa shaqada ee dalkaas, sidaas darteed ay muhiim tahay inay indho-shareerka dhigaan ama lacagtaas la gooyo. Sidoo kale waxey soo jeediyeen in haweenka indho-shareerka qaata loo diido lacagaha loogu talagalay isdhexgalka bulshada.

Mattias Tesfaye oo katirsan xisbiga (S) ayaa sheegay inay waaqici aheyn in qof xiran indho-shareer uu shaqo ka helo goobaha shaqada bixiya ee dalka Denmark, sidaas darteed ay muhiim tahay in arintan si run ah loo fiiriyo. Isaga oo sheegay in xisbigiisu uu rabo in isbadal lagu sameeyo sharciga dalkaas, si lacagta waaldiinta guri jooga ah loogu diido haweenka xirta indho-shareerka.

Xibsiga Socialdemokratiet ayaa kamid ah xisbiyada ugu waaweyn baarlamaanka Denmark, waxeyna baarlamaanka ku leeyihiin 47 kursi oo kamid ah 179-ka kursi ee uu ka koobanyahay aqalka baarlamaanka Denmark.

Xigasho/kilde: TV2.DK, BT.DK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments