Boqorka Sweden oo booqasho ku tagay masaajidkii la gubay

0
164

Boqorka dalka Sweden Carl XVI Gustaf ayaa shaley booqasho ku tagay masaajidkii habeen hore dabka la qabadsiiyay ee magaalada Örebro. Waxaana boqorka Sweden booqashadiisa ku weheliyay gudoomiyaha magaalada Örebro, waxeyna kulamo la qaateen maamulka masaajidka iyo qaar kamid ah muslimiintii ku tukan jirtay masaajidka.

Carl XVI Gustaf ayaa sheegay in murugada ay la qeybsanaayeen muslimiinta kunool Sweden, isaga oo sheegay in Sweden aysan udul qaadin doonin falal cunsurinimo iyo naceyb ka dhan qeybo bulshada dalkaas kamid ah.

Booliska Orebro ayaa nin usoo qabtay falkaas masaajidka lagu gubay, waxeyna boolisku sheegeen in dabku uu ahaa mid masaajidka si ula kac ah loo qabadsiiyay, isla markaana la rabay in dad lagu dilo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments