Baaritaan: Yaa ku lug lahaa fadeexada cabsigalinta soomaalida oo ay Norway ku bixisay lacag 4 milyan ah!!

0
117
Midig: Himanshu Dhexda: Abdirahman

Waxaa maalmahan oo dhanba socotay hadalheynta arin dhawaan soo shaac baxday, taas oo ku saabsan in wasaarada cadaalada dalkan Norway ay lacag 4 milyan NOK ah ku bixisay qorshe soomaalida lagu cabsigalinayo, si aysan Norway magangalyo usoo weydiisan.

Ujeedka qorshahaas ayaa ahaa in Norway loo ekeysiiyo meel ay kajirto cunsuriyad iyo qabow daran, isla markaana qofku uusan ka heli doonin nolosha uu ku haminayo. Waxaana la diyaariyay sheekada nin Hassan loogu magacdaray, kaas oo rafaad iyo dhib badan kala kulmay Norway, kadibna go´aansaday inuu dib ugu noqdo Soomaaliya.

Yaa ku lug lahaa: WCN IYO IOM

Howshaas ayaa bilaabatay dhamaadkii sanadkii 2013-ka, waxaana iska kaashanayay wasaarada cadaalada Norway iyo hey´ada IOM, xafiiskeeda magaalada Nairobi.  Wasaarada cadaalada Norway ayaa sheegtay in abaabulka, diyaarinta, dajinta iyo fulinta howshaas ay lahaayeen shaqaale soomaali ah oo katirsan xafiiska IOM ee magaalada Nairobi. Wasaaraduna ay bixisay lacagta ku baxday oo dhan 4 milyan NOK !!(qiyaastii 500 000 $ sarifka xiligaas).

Abdirahman Ahmed: Qofka isku xirayay howsha

Baaritaan dheer oo ay NorSom sameysay kadib, ayaan ku xaqiijin karnaa in Abdirahmaan Ahmed Muhamed ayaa ahaa shaqsiga soomaaliga ah ee saameynta ugu badan ku leh arintan dhawaan soo baxday. Abdirahmaan oo 47 sano jir ah ayaa shahaadada masterka ka qaatay cilmiga dhaqaalaha ee jaamacada Oslo, waxaana uu xiligaas katirsanaa shaqaalaha IOM, xafiiskeeda Nairobi. Horey waxa uu u degenaan jiray magaalada Hamar, markii danbe waxa uu kamid ahaa ganacsatada soomaalida ah ee magaalada Oslo.

Abdirahman iyo Himanshu

Sida aad ku arki kartaan sawirkan iyo kan koreba, waxa uu Abdirahmaan la sawiranyahay wasiiru dowlahii wasaarada cadaalada Norway ee xiligaas, Himanshu Gulati oo katirsan xisbiga xagjirka ah ee FRP, asal ahaana kasoo jeedo dalka India. Sawiradan oo ay NorSom News heshay ayaa ah kuwa lagu qaaday mid kamid ah kulamada lagu diyaarinayay qorshahan. Waxaana lagu qaaday xarunta wasaarada cadaalada Norway.

 Abdirahman iyo Himasho ayaa 31-ka bishii maarso si wadajir ah usoo bandhigay qorshahan.   halkan ka akhirso wargeyska Klassekampen oo xiligaas warbixin ka diyaariyay qorshahan oo bilowday sanadkii 2014, socdeyna ilaa sanadkii 2015.  

Himanshu ayaa si cad oo aan gabasho laheyn u sheegay markaas in ujeedka guud oo lacagta intaas le eg ay Norway u bixineyso, ay tahay in tahriibayaasha soomaalida ah aysan magangalyo soo weydiisan Norway.

Sida aan kasoo xaqiiqsanay dad goob joogayaal ahaa,  Abdirahmaan iyo gabadha kula jirto sawirka kore ayaa booqasho ku tagay kaamam dhowr oo dalkan Norway kuyaalo, waxeyna bilowgii sanadkii 2014-ka duubayeen qeybo kamid ah muuqaalada cabsi galinta ah, oo markii danbe laga sii daayay Tv-yada soomaalida ah ee waaweyn.

Abdirahmaan oo laftirkiisu sanadkii 1989-ka qoxootinimo ku yimid Norway ayaa  cadeymo dhowr ah oo aan heyno ay tilmaamayaan inuu qeybta ugu weyn ka qaatay howshan, wuxuuna ahaa lafdhabarta ama fiilada isku xireysay wasaarada, IOM-ta Nairobi(oo uu katirsanaa) iyo fulinta howsha ee gudaha Soomaaliya.

Sawirada waxaa sameeyay farshaxiistayaal soomaali ah, kuwaas oo lacag lagu siiyay inay sawiraan sawir gacmeedyo cabsi galin ah. Kadibna waxaa laga faafintooda lacag lagu siiyay, lagana sii daayay Tv-yada soomaalida ee waaweyn. .

Abdirahmaan iyo kooxda soomaalida ah ee Nairobi kula shaqeyneysay waxa ay sameeyeen 95-sawirgacmeed oo af soomaali ku qoran, waxaana laga diyaariyay 48 000 nuquk(koobi), kuwaas oo loo qeybiyay ardeyda kunool 8 magaalo oo waaweyn oo Soomaaliya katirsan.

Himashu: waxbo ma arkin, arintaasna waxbo kalama socdo:

Wargeyska klassekampen ayaa maalmo kahor Himashu wax ka weydiiyay arintan dhawaan soo baxday, balse wuxuu inkiray inuu wax ka ogyahay, isaga oo dhanka kalena diiday inuu wax jawaab ah ka bixiyo. Himanshu ayaa dhanka kale sheegay inuusan arkin sawiradaas, uusana xasuusba waxa laga hadlayo.

Sidoo kale NorSom News ayaa si aad ah isugu deyday inaan helno xiriirka Abdirahman oo naloo sheegay inuu hada maqaaxi weyn ku leeyahay magaalada Nairobi, laakiin nooma aysan suurtogalin helida xiriirkiisa.

Warbaahinta waaweyn ee dalkan Norway ayaa wali wado baarista arintan, wixii kusoo kordhana  baaritaankeena iyo kan wargeysyada kaleba, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments