Wasiirada soo galootiga Denmark: Norway waxey Yurub oo dhan noo tahay tusaale aan wax ka baran karno

0
181

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay dalkan Norway booqasho ku joogtay wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark Inger Støjberg. Waxeyna kulamo isdaba joog ah la qaadaneysay dhigeeda arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug.

Waan isku dayanaa:

[adsenseyu1]Wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark ayaa sheegtay in Norway ay wadamada kale ee Yurub kaga horeyso qodobo badan oo soo galootiga la xiriira, sidaas darteedna ay tusaale lagu deydo u tahay wadamo badan oo Yurub ah. Waxeyna raacisay in Norway ay hormuud ku tahay qodobada la xiriira tarxiilinta dadka danbiyada galay iyo dadka magangalyada loo diiday.

Denmark oo caan ku ahaan jirtay adkeynta sharciyada soo galootiga, ayaa hada taagan in Norway ay ka hormartay wadamada kale, sidaas darteed waxyaabo badan laga baran karo.

Inger Støjberg ayaa waxaa booqasho ay ku tagtay Trandum oo ah kaamka xabsi ahaanta u dhisan ee Listhaug ay u dhistay dadka ay Norway rabto inay wadankoodii ku celiso. Iyada oo u riyaaqday qaabka ay Norway u dhistay xabsigaas iyo sida ay dadaalka ugu jirto inay tarxiisho dadka nabadgalyada usoo raadsaday wadankeeda.

Listhaug ayaa dhankeeda sheegtay inay waxyaabo badan kaga dayato Denmark, isla markaana ay iska ag-dhowyihiin fikir ahaan.

Waxaan nahay saaxiibo isku dhow:

Labadan wasiir ee haweenka ah oo ku caanbaxay siyaasada qalafsan ee soo galootiga ayaa dhanka kale sheegay inay ka dhaxeyso saaxiibtin dhow oo gaar ah, isla markaana uu ka dhaxeeyo xiriir hoose. Waxey sheegeen inay ka doodaa qodobada qaarkood, isla markaana ay isku soo gudbiyaan talooyin.

Xigasho/kilde: VG

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments