Ururka macalimiinta: Listhaug, Iska ilow inaan UDI-da u gubnimo waxa ay caruurta iskuulada noogu sheegaan

0
161
Listhuag

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa maalintii shaley aheyd ka codsatay shacabweynaha reer Norway inay soo jaajuusaan dadka qoxootiga ah, isla markaana ay warbixintooda u gudbiyaan UDI-da, hadii ay dareemaan inay safar  ku aadeen wadankii ay sheegteen inay kasoo qaxeen.

Listhaug ayaa si gaar ah codsi ugu dirtay macalimiinta iskuulada, iyada oo sheegtay inay il gaar ah u lahaadeen hadalada ay caruurta ay waalidkood qoxootiga yihiin ay ka sheegaan iskuulada, iyo meelaha ay safarka u aadeen.

Ururka ay ku mideysanyihiin macalimiinta iyo dadka ka shaqeeya waxbarashada(Utdanningsforbundet) ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saareen ku cadeeyay inaysan dowlada u gudbin karin siraha iyo hadalada ay caruurta ay wax u dhigaan ugu sheegaan iskuulada, hadii aysan khuseynin caafimaad ama khatar nololeed oo kale.

Waa takooris:

Steffen Handal oo ah madaxa ururka macalimiinta ayaa sheegay in arintaas ay dhaawac gaarsiineyso xiriirka iyo kalsoonida ka dhexeysa ardeyda iyo macalinkiisa, isla markaana ay takooris noqoneyso hadii macalimiintu ay si gaar ah ula socdaan halada caruurta ay dhaleen waalidka qoxootiga Norway kusoo galay.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments