tirsdag, april 23, 2024

UNE-da oo diiday racfaankii Bushro Jama ee go´aanka UDI-da.

Sida uu qorayo wargeyska Lokalka ah ee Bladet Vesterålen, hey´ada UNE ayaa UDI-da ku raacday go´aanka ay sharciga ugala noqotay Bushro Jama oo ah hooyo soomaali ah oo labo caruur ah ku dhashay Norway. Bushro ayaa Norway deganeyd 6 sano, kahor inta aan lagala noqon sharciga dal kujooga, kadib markii ay UDI-du sheegtay inaysan ka run sheegin aqoonsigeeda shaqsiyeed iyo deegaanka ay asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya.

[adsenseyu1]Dowlada Norway ayaa ugu danbeyn Bushro u qabatay inay dalka uga baxdo si iskeed ah 25 bishan August oo ku beegan maalinta bari ah.  Qareenka Bushro ayaa sheegay iney kiiska Bushro lasii aadi doonaan maxkamad, isaga oo raaciyay in Bushro loo qabtay xili go´an oo ay wadanka uga baxdo, aysan la micno aheyn in si qasab ah gurigeeda looga bixin karo wixii xiligaas ka danbeeyo. Wuxuuna sheegay in go´aankaas uu yahay mid Bushro lagu wargalinayo inay si iskeed ah wadanka uga baxdo.

UDI-da ayaa barta Facebooga u adeegsaday cadeynta ugu oo ay u cuskadeen go´aanka sharci kala noqoshada Bushro, iyaga oo sidoo kale adeegsaday deegaanka ay Bushro lacagta u diri jirtay oo ka duwan deegaanka ay kasoo jeedo.

Prof. Abdala Mansuur oo ah khabiir ku xeel-dheer luuqada afka soomaaliga iyo lahjadaheeda ayaa horey u cadeeyay in lahjada Bushro ay tahay lahjada looga hadlo deegaanka ay sheegtay inay kasoo jeedo ee Soomaaliya.

Maxkamad Oslo iyo qarash lacageed:

Qareenka Bushro  Jaamac ayaa dhanka kale sheegay in hadii kiiska Bushro uu maxkamad tago, loo wareejin doono magaalada Oslo, isaga oo raaciyay in hadii Bushro ay go´aansato in kiiskeeda maxkamad la geeyo, ay u baahnaan doonto qarash lacageed, maadaama wixii hada ka danbeeyo aysan heli doonin caawinta sharciyeed ee bilaashka ah ee dowlada.

Dadka magaalada Hadsel ayaa mar horeba bilaabay inay taageero u muujiyaan Bushro, waxeyna markan hadana bilaabeen inay lacago u uruuriyaan Bushro Jama.

Xigasho/kilde: BLV.NO, VOL

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x