Sweden: Takooris ma ahan, hadii laguu diido in fasax laguu siiyo tukashada salaada jimcaha

0
280

Hay’adda ka hortaga cunsuriyadda dalkan Sweden, ee magaceeda loo soo gaabiyo DO ayaa shaagtay in aysan takoorid diineed ahayn hadii ayderayda loo diido fasax si ay uga qeyb qaataan tukashada salaada.

Do ayaa baaritaan ku sameysay dacwad uu soo gudbiyey ardey loo diiday inuu fasax helo, si uu salaadda jimcaha tukashadeeda uga qeyb galo. Ardeygaan oo dhigta dugsiga sare ayaa dacwaddan u gudbiyey DO, isaga oo ka cabanaya in xuquudiisa diineed meel looga dhacay, ka dib markii loo diiday in uu fasax 2 saacadood ah todobaadkii u qaato si uu salaadda jimcaha u tukado.

Dacwadan oo loo soo gudbiyey DO sanadkii hore ayey hay’addaasi ku sameeysay badhitaan, iyada oo soo xiganeysa sharciyada ay ku dhaqmaan midawga Yurub iyo xukuno hore oo dacwaddo noocan ah laga gaadhay. Do waxay sheegtay in dusigayada sare ee Sweden aanay khasab ahayn balse hadii qofku dhiganayo dugsi sare waa in uu joogaa xiisadaha. Sidaas awgeed iskuulada wey diidi karaan inay fasax soo noqnoqda siiyaan ardayda, taas oo xitaa saameynaya kuwa fasax u qaadanaya ciyaaraha iyo wax yaabaha kale ee dhaqanka la xiriira.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige-somali

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments