Sweden: Siyaasi soomaalida aflagaadeeyay oo maxkamad lasoo taagayo

0
95

Maxkamada degmada Vänersborg ee dalka Sweden ayaa waxaa sagaalka bisha November lasoo taagi doonaa siyaasi horey uga tirsanaan jiray xisbiga xagjirka Sweden ee Sverige-demokratene, siyaasigaas oo horey aflagaado ugu geystay qowmiyada soomaalida.

Ninkan oo lagu magacaabo Jan Sohl ayaa ku eedeeysan faldambiyeed la xiriira iskudirka qowmiyadaha kala duwan, waxaana lagu heystaa qoraal uu soo dhigay bog kuyaal Facebooga, isaga oo aflagaadeynaya soomaalida, isla markaana tusaale xun ka dhiganaya xulka qaranka kubada barafka ee Soomaaliya, oo ah dhalinyaro dalka Sweden laga uruuriyay.

Xeerilaaliyaha maxkamada ayaa cadeymo ahaan u heysto sawiro laga qaaday qoraalkaas, inkasta oo Jan Sohl iska fogeynayo danbiga lagu soo eedeeyay, wuxuuna sheegay inuu faalo ka bixinayay ciyaar kubada barafka ah, faaladaas oo uu sheegay inay ku habooneyd sawirka iyo xaqiiqada uu matalayay.

Jan Sohl ayaa iska dheereeyay inuu wax dembi ah galay: ”Waxaan un ka faalloonayay ciyaartii bandiga waa mid ku habboon marka in sawir xaqiiqda ka tarjumaya laga bixiyo”.

Sohl ayaa bishii April ee sannadkan laga xayuubiyay xubin-nimadii xisbiga SD, kadib markii ay cadaatay in dacwad lagu soo oogayo.

Xigasho/kilde: SverigsRadio.se/soomaali

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments