Sweden: Siyaasi soomaalida aflagaadeeyay oo lagu qasbay inuu iscasilo

0
90
Janerik Henriksson/TT

Siyaasi katirsan xisbiga Miljöpartiet ee degmada Järfälla ee dalka Sweden ayaa iska calisay xilkii uu  degmadaas ka hayay hayay,  kadib markii uu barta facebooka kusoo qoray qoraal aflagaado soomaalida ka dhan, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin «burada kaankarada/kansakar».

[adsenseyu1]Xisbiga uu ninkan ka tirsanyahay ayaa iska fogeeyay aflagadaas waxeyna sheegeen in golaha dhexe ee xisbigaas uu go´aan ka gaari doono in ninkaas uu xisbiga kasii mid ahaan doono iyo inkale.

Mikael Jämtsved oo ah xildhibaan Miljöpartiet u fadhiya Järfälla ayaa sheegay in aan la aqbali karin ninkaan waxuu qoray aysana aheyn wax xisbiga Miljöpartiet aaminsan yahay, sida ay werisay P4 Stockholm.

Soomaalida oo raali-galin dalbanayo:

Soomaalida dalka Sweden, gaar ahaan degmada Järfälla ayaa dalbaday in ninkaas iyo gudoonka xisbiga ay bixiyaan raali-galin arintaas ku saabsan, maadaama uu gef u geystay qowmiyad dhan. Iyaga oo raaciyay ineysan ku filneyn oo kaliya inuu iscasilo. Soomaalida ayaa sidoo kale dalbanayo in ninkaas gabi ahaanba laga saaro xisbigaas.

Xigasho/kilde: Radio-

sverige.se/soomaali..

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments