Bibikhal Uzbek waa haweeney 106 jir ah oo qoxooti ku ah dalka Sweden, waxaana loogu yeeraa inay tahay qofka qaxootiga ah ee ugu da’ weynaa caalamka. Haweeneydan ayaa diidmo ka heshay codsigeeda magangalyada ee dalka Sweden, waxaa lagu wadaa in dalkaas laga tarxiilo sida ay qoreyso warbaahinta dalka Sweden.

Sida ay sheegeen qoyska haweeneydan oo sariirta aan badanaa kasoo kicin, waxaa haweeneydan ku dhacay miyir-beel, tan iyo markii loo keenay go´aanka ah inay isaga baxdo dalka Sweden. Waxeyna qoyskeedu sheegeen in tabar ahaan iyo caafimaad ahaanba aysan hada ku noqon karin dalka Afgaanistaan oo ay markii hore kasoo qaxday.

Bibikhal Uzbek ayaa Sweden kula nool caruur ay dhashay iyo kuwa ay sii dhaleen(ayeeyo u tahay). Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadalheyso go´aanka dowlada Sweden ee tarxiilka haweeneydan da´da ah.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of