Stovner: Dood u dhaxeyso xisbiyada siyaasada iyo soomaalida oo Stovner isbuucan ka dhaceyso

0
87

Xaafada Stovner waa mid kamid ah xaafadaha waaweyn ee magaalada Oslo, waxaana kunool dad soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay inay u dhaxeeyaan sadex ilaa far kun oo qof. Stovner  waxey kamid tahay xaafadaha ay soomaalidu ugu badanyihiin guud ahaan magaalada Oslo.

Maadaama ay soo dhowdahay doorashadii baarlamaanka dalkan Norway, waxaa xaafada Stovner 26-ka bishan (oo ku aadan maalinta sabtida ah) lagu qaban doonaa dood siyaasadeed u dhaxeyso xisbiyada siyaasada Norway iyo soomaalida degan xaafadaas. Waxaana doodaas soo qaban-qaabiyay ururka Stovner Flerkulturelt Forening(SFF), ujeedada kulankaasna waa in dadka ku dhaqan xaafadaas codkooda dhiibtaan doorashadan masiiriga iyo muhiimka ah ee nagu soo aadan.

Doodan ayaa waxaa kasoo qeybgali doono inta badan xisbiyada siyaasada dalkan Norway.

Soomaalida degan xaafada Stovner ayaa aad uga dhex muuqdo bulsho-weynta degan xaafadaas, iyada oo bilowgii sanadkan 2017 ay duqa magaalada Oslo ay  muwaadin oo soomaali ah oo xaafadaas degan ay gudoonsiisay bilada naftii huraha sanadka(årets ildsjell).

Wixii faah-faahin ah ee ku saabsan kulankaas u dhaxeeyo soomaalida iyo xisbiyada siyaasada waxaad kala xiriir kartaa: Shuceyb Yaasiin oo katirsan maamulka Stovner Flerkulturelt Forening. TLF: 45424433

Adresska: Karl Fossumveien109

Saacada: 13:30 til 16:00

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments