Siv Jensen: Soo galootiga aan luuqada ku baran 5 sano gudahood, waa in loo diidaa taageerada dhaqaale ee NAV

0
161

Wasiirada maaliyada dalkan Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga xagjirka ah ee FRP ayaa sheegtay in xisbigoodu uu doorashadan ku galayo balanqaad ah in lasii adkeeyo xeerarka qoxootiga iyo soo galootiga.

Jensen ayaa sheegtay in xisbigeedu uu rabo in taageerada dhaqaale laga joojiyo soo galootiga iyo qoxootiga aan luuqada ku baran 5 sano gudahood. Iyada oo raacisay in luuqadu ay tahay furaha isdhexgalka bulshada. Siv ayaa sidoo kale sheegtay in hadii aan shuruudo la hordhigin soo galootiga ay adagtahay inay sameeyaan isdhexgel.

Munaafiqnimada FRP: Labo sano kahor saacadaha luuqada ayay jareen

Sanadkii 2015, xisbiga xukuumada Frp iyo Høyre, waxey dhimeen saacidihii barashada luuqada ee uu qofku ku baran jiray kaamka(xerada qoxootiga), waxeyna kusoo reebay 175 saacadood oo kali ah. Frp ayaa wali sii rabay inay saacadaas dhimaan, laakiin baarlamaanka ayaa ka hor istaagay.

FRP ayaa dhanka kale sheegay inay rabaan in soo galootiga lagu adkeeyo inay kasoo guuraan tuulooyinka ay deganyihiin, hadii aysan iskood u keensan shaqo iyo guri. Iyaga oo soo jeediyay in soo galootiga usoo guura magaalooyinka waaweyn loo diido taageerada dhaqaalen, hadii aysan meel ku ogeyn guri iyo shaqo.

Xigasho/kilde: Nettavisen, Aftenposten.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments