Sheekadan maku soo gaartay: Koox cunsuriyaan oo kuraasta busska u qaatay dumar indho-shareer xiran

0
169

Dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada, warbaahinta Norway iyo kuwa caalamka intiisa kaleba, aad looga hadalhayay sheekadan ku saabsan koox cunsuriyiin ah oo kuraasta busska oo banaan u qaatay dumar muslimiin ah oo xijaab iyo indho-shareer xiran. Iyaga oo kusoo bandhigay bog facebooga ah oo ay leeyihiin, waxeyna markiiba bilaabeen caay iyo aflagaado ka dhan muslimiinta, iyaga oo sawirkaaas ka tusaale qaadanayo.

Mid kamid kooxdaas ayaa soo qoray inay dadkaas(waa kuraastee) ay yihiin khatar, isla markaana ay mudanyihiin in wadanka laga mamnuuco. Mid kale ayaa sheegay inuusan kala garan karin in dadkaas (waa kuraastee) ay yihiin rag iyo dumar, halka mid kalena uu sheegay iney hoosta ku wadan karaan qoryo ay rabaan inay dada ku laayaan.

Saacado ayay wadeen ceyda, iyo hadalada naceybka xambaarsan oo ay is weydaarsanayeen ilaa markii danbe uu nin wariye ah uu dareemay in waxa sawirka ka muuqdo ay yihiin kuraas, oo aysan aheyn dumar insho-shareer xiran.

Warbaahinta caalamka ayaa aad wax uga qoreysay arintan la yaabka noqotay, balse tilmaameysa garaad-yarida iyo aqoon hooseynta kooxaha naceb islaamka iyo soo galoootiga.

Xigasho/kilde: Newyork-post

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments