Politiken: 351 qof soomaali ah oo isaga qaxay Denmark, ama aan la garan karin meesha ay ku suganyihiin

0
155

Sida uu maanta soo daabacay wargeyska Politiken oo kamid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Denmark, ilaa 351 qof oo soomaali ah ayaa sanad iyo barkii ugu danbeeyay isaga cararay Denmark ama aan la ogeyn meesha ay ku danbeeyeen.

Qaar badan oo dadkan kamid ah ayaa ah 800-da qof ee soomaali ah, kuwaas oo dowlada Denmark ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyadooda magangalyada.

Mid kamid ah soomaalida dadkaas oo  la hadlay Politiken sheegay inuu ogyahay waxa sugaya hadii Soomaaliya lagu celiyo, sidaas darteed uu doortay inuu ku dhuumaaleysto dalkaas ama uu isaga qaxyo Denmark. Ninkan oo magaciisa kusoo gaabiyay Ibrahim ayaa sheegay inuu kamid ahaa soomaalida dib u qiimeyn lagu sameeyay magangalaydooda.

Maadaama aysan Soomaaliya heshiis dib u celin kula jirin Denmark, wey adagtahay in Denmark ay dadkaas dib ugu celiso dalkooda. Taas oo ka dhigan ineysan sii wadin karin noloshoodii caadiga aheyd ee Denmark, aana lagu celin karin dalkooda. Waxaana inta badan dib loogu celiyaa xeryo qoxootiga, taas oo keenta in dad badan ay ka cararaan Denmark ama ay dalkaas gudahiisa ku dhuuntaan.

Isku dar 1976 qof oo magangalyo doon ah ayaa ka cararay Denmark ama aan la ogeyn meesha ay ku danbeeyeen.

Xigasho/kilde: Politiken

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments