Nin jirdil ku sameeyay xaaskiisa: Xukunkaas wuu igu yaryahay ee hala ii kordhiyo.

0
117

Maxkamada magaalada Fredrikstad ayaa sanadkii lasoo dhaafay xukun 7 sano ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Ciraaq, kaas lagu eedeeyay inuu jirdil u geysan jiray xaaskiisa mudo 14 sano ah.  Ninkan ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay danbi ah inuu hooyada ka afduubtay caruurta ay wada dhaleen mudo sadex sano dhan.

Maxkamada Fredrikstada aya ninkan ku xukuntay 7 sano oo xabsi ah iyo 525.00-0 oo magdhow ah. Balse ninkan ayaa racfaan ka qaatay xukunka 7-da sano ah, isaga oo ku dacwoonaya inuu mudanyahay ciqaab intaas ka badan. Maxkamada racfaanka ayaa mar kale dib u qiimeysay xukunkaas waxaa lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah(hal sano oo dheeri ah).

Caadiyan waxaa la maqlaa dad racfaan ka qaatay xukuno lagu xukumay, ayaga oo raba in laga qafiifiyo ama gabi ahaanba laga dhaafo xukunka xabsiga ah. Laakiin ninkan oo ay warbaahintu aad u hadalheyso kiiskiisa ayaa sheegay in isaga ciqaabta lagu yareeyay, uuna muteysto wax badan 7 sano oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: TV2.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments