Namdal: Nin soomaali ah oo mar kale loo cusbooneysiiyay mudada xabsiga kumeel gaarka ah

0
107
Foto: Politiet

Sida uu qorayo wargeyska lokalka ah ee Adressa-Avisen, nin soomaali sodomeeyo jir ah ayaa mar kale loo cusbooneysiiyay mudada kumeel gaarka ah ee uu xabsiga kusii jiro doono xukun la´aan. Ninkan ayaa adeer u ah gabar 3 sano jir ah oo isbuucyo kahor ku geeriyootay isbitaalka St.Olav ee magaalada Trondheim, waxaana xabsiga la dhigay isaga iyo xaaskiisa oo labuduba ku eedeysan inay ka danbeeyeen dhaawacyo madaxa ah oo ay gabadhaas yar u geeriyootay.

Hooyada iyo adeerka ayaa labuduba iska fogeeyay eedeyntaas, waxeyna sheegeen in gabadhu ay kasoo dhacday sariir, mar sii horeysana ay kasoo dhacday barando(balkong).

Adeerka ayaa shaley codsaday in xabsiga laga sii daayo, maadaama uu sheegay inuusan galin wax danbi ah, laakiin booliska ayaa maxkamada gobolka Trøndelag ka codsaday in adeerkaas xabsiga lagu sii hayo afar isbuuc oo cusub. Maxkamada ayaa diiday codsiga ninkan soomaaliga ah, waxeyna booliska ku raacday mudada cusub ee xabsi dheereynta ah.

Hooyada gabadhan oo markii ay xabsiga gashay aheyd uur ayaa hada ku dhex umushay xabsiga, waxaana xanaanada ilmahaas isla markiiba la wareegay barnevernka. Hooyadan ayaa sidoo kale horey u heysatay sadex ilmood, kuwaas oo iyagana ay barnevernku la wareegeen.

Qareenka hooyadan ayaa maxkamada darajada sadexaad ka codsaday in lasii daayo hooyadan, laakiin waxaa diiday maxkamada, isla markaana ogolaatay in xabsiga lagu sii hayo afar isbuuc oo dheeri ah. Qareenka ayaa racfaan u diray maxkamada darajada sadexaad, balse iyagana wey diideen racfaankiisa.

Booliska ayaa sheegay inay wali wadaan baaritaanada dhacdadan, iyaga oo si hordhac ah u sheegay in hooyada iyo adeerka ay ka danbeeyeen falkaas keenay in gabadha sadex sano jirka ah ay geeriyooto. Booliska ayaa wareysi la yeeshay qaar kamid ah caruurta qoyskan soomaaliyeed.

Hooyadada iyo adeerka ayaa dhankooda iska fogeeyay inay ka danbeeyeen dhaawacyada gabadha kasoo gaaray madaxa, markii danbena keenay inay u geeriyooto.

Xigasho/kilde: Adressa.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments