onsdag, april 17, 2024

Namdal: Booliska oo raba in iyada oo aan xiligeedii la gaarin laga umuliyo hooyo soomaali oo xabsiga ku xiran

Sida uu qorayo tv-ga qarankan Norway ee NRK, booliska gobolka Trøndelag ee dalkan Norway ayaa rabo in baaritaan lagu sameeyo in iyada oo aan xiligeedii foosha la gaarin, laga umuliyo hooyo soomaali ah oo xabsiga ku xiran. Hooyadan ayaa waxaa xiliga umusheeda ka dhiman sadex isbuuc, waxeyna boolisku sheegeen inay rabaan suurtogalnimada ah in laga soo hormariyo xiliga foosha, maadaama ay sheegeen inay ku fakarayaan caafimaadka ilmaha iyo hooyadaba. Howsha baaritaanka suurtogalnimada arintaas ayay boolisku sheegeen inay u direen dad ka shaqeeyo caafimaadka.

Hooyadan soomaalida ah ayaa ah hooyada dhashay gabar sadex sano jir ah oo isbitaalka St. Olav ee magaalada Trondheim isbuucyo kahor ugu geeriyootay nabaro kasoo gaaray madaxa. Hooyadan iyo adeerka gabadhaas geeriyooteyba waxey ku xiranyihiin xabsiga, iyaga oo ku eedeysan inay ka danbeeyeen dhaawacyada ay u geeriyootay gabadhaas.

[adsenseyu2]

Sida uu sheegay qareenka hooyadan soomaalida ah, wuxuu xiritaanku iyo xabsigu hooyadan ku noqday culeys  aad u weyn oo aysan qaadi karin, maadaama ay tahay xaamilo uu dhowyahay shinkeedu(xiliga umusha). Wuxuuna raaciyay in la rabo in laga umuliyo, iyada oo aan ogolaansho la weydiisan iyada. Dhanka kale wuxuu sheegay ineysan ogeyn sharci cad oo dowlada xaq u siinaya inay sameyn karto arintaas. Wuxuuna sidoo kale sheegay in soo jeedintaas ay tahay mid aan meesha ku jirin, horeyna aysan aheyn wax u dhacay.

Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in hadii ay hooyadu rabto inay dhaawacdo ilmaha ay uurku ku wado, ay mar hore sameyn kartay. Isaga oo raaciyay inaysan marnaba isku dayin arintaas. Qareenka ayaa sheegay in hooyadan la dhigay qeybta dadka maskax ahaanta u xanuunsan ee xabsiga.

Booliska ayaa sheegay in sharaxaada ay hooyadu bixisay iyo xaalada ay ku sugantahay ay tahay waxa keenay inay ku fikiraan in baaritaan lagu sameeyo umul-dadajinta hooyadan. Waxeyna sheegeen in baaritaanka kiiskan uu wali socdo, isla markaana uusan soo gaba-gaboobin.

Qoyskan ayaa sidoo kale lahaa sadex caruur ah, kuwaas oo hada kujirto gacanta hey´ada xanaanada. Labo kamid ah waxaa wareysi la yeeshay booliska.

Hooyada iyo adeerka gabadhan ayaa iska fogeeyay dhamaan eedaha ay boolisku ku eedeeyeen, waxeyna sheegeen inay gabadhu kasoo dhacday sariir.

Xigasho/kilde: NRK.NO 1, NRK2.NO 2

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x