Minnesota: Masaajid ay soomaali maamusho oo qarax lagu weeraray

0
154

Magaalada Bloomington oo kutaal duleedka koonfureed ee magaalada Minneopolis ayaa waxaa weerar loo adeegsaday aaladaha qarxa lagu qaaday masaajid ay maamusho soomaalida degan magaaladaas. Waxaana weerarkaas ka dhashay qarax waxyeelo gaarsiiyay qeybo kamid masaajidka. 

[adsenseyu1]

Maxamed Maxamuud oo ah maamulaha masaajidka ayaa sheegay in qarax lagu soo weeraray aroortii hore ee sabtida, xiligii salaada subax. Lama sheegin waxyeelo nafeed oo qaraxaas ka dhashay, balse waxaa ay waxyeelo soo gaartay dhismaha masaajidka.

Hey´ada danbi baarista Mareykanka ee FBI-da, laantooda Minnesota ayaa sheegay inay ka wareegeen danbi baarista qaraxaas, iyaga oo caawin ka helayo booliska magaaladaas. Ilaa hada majirto cid loo qabtay weerarkaas. 

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments