torsdag, mars 28, 2024

Midowga Yurub oo xeryo qaxooti oo ka sameynaya dalalka Niger iyo Chad

Koox hoggaamiyayaal Yurub iyo Afrikan ah ayaa isku raacay inay dejiyaan qorshe dadka Afrikaanka ah ee usoo tahriibaya Yurub looga soo qaadi karo dalalkooda, intii ay soo gali lahaayeen safarka halista badan ee badda Mediterranean-ka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii Paris ku marti geliyey shir madaxeed ujeedadiisu tahay sidii loo heli lahaa hab wanaagsan oo loola tacaalo muhaajiriinta sharci-darrada ah, wuxuuna heshiiska la gaaray ku qeexay “Jawaabta ugu deg degta iyo wax ku oolka badan”.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ayaa sheegay in qiyaastii 121,000 oo qof ay sanadkan yimaadeen Yurub, gaar ahaan dalka Talyaaniga, ayaga oo tahriib badda ah soo maray. In ka badan 2,400 oo qof ayaa sidoo kale badda ku dhintay ama la la’yahay.

Bayaan kasoo baxay kulan madaxeedka Paris ayaa lagu muujiyey baahida loo qabo in la billaabo barnaamij dib u dejin loogu sameynayo qaxootiga dalalka Chad iyo Niger, si loo yareeyo dadka saxaraha kusoo tahriibaya kadibna badda soo maraya.

Hanaankan ayaa qaxootiga u ogolaanaya inay si sharci ah ku tagaan Yurub, haddii ay ku jiraan liiska hay’adda qaxootiga QM, islamarkaana ay u diiwan gashan yihiin mas’uuliyiinta dalalka Niger iyo Chad.

Madaxa qaxooxtiga QM, Filippo Grandi ayaa soo dhaweeyey qorshahan.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x