(Maqaal): Xisbigee ayaa mudan inaan codka siino doorashadan?

0
122
Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim. (Bergen)
Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim. (Bergen)

Beryahaan waxaa aad u socda doodaha la xariira doorashada wadanka Norway ka dheceysa 11.09.2017. Waxaad moodaa in kuleylkii nasoo karay oo aan aragnay dhibaatooyinka ay la timid dawlada hadda xukunka haysa. Waa iska caadi in marka dhib yimaado la soo baraarugo oo la isweydiiyo sida arrimaha loo xalin lahaa.

Aad ayaan ugu faraxsanahay runtii ahaantii in guud ahaan ajaanibta iyo gaar ahaan soomaalidu ay doonayaan inay ka qeybqataan doorashadan si ay wax u bedelaan. Tani waxay na tusineysaa biseylka iyo doonitaanka aan dooneyno in aan dhibka jira iska dulqaadno oo ah dawlada hadda xukunka haysa oo aan meel ay ku roontahayba aan la arak.

Laakiin dadbadan ayaad moodaa in culeys heysto laxariira ciddey u codneyn lahayeen. Waxaa jiri kara sababo badan oo ruuxa ku qasbaya inuu garan waayo cidda uu u codeynayo, madaama laga yaabo inay dadka qaarkiis ku adkaato inay xisbiyada kala saraan. Waxaa arrin halis noqon karta in qofka ay gaarsiiso inusan codeyn, markii uu ku dhex wareero kala saarida siyaasadaha xisbiyada.

Shaqsiyan dad badan ayaa iweydiiyay tallooyin laxariira cidda mudan in loo codeeyo. waxaa jiray qoraale hore oo aan kula taliyay in ruux kastaa go’aan ka gaaro cidda uu ucodeynayo marka uu derso siyaasadaha xisbi kastaa ku shaqeynayo, laakiin qofkastaa duruufuhu uma samaxayaan. Marka waxaan doonayaa in aan tallo ka dhiibtu sida wax ila muqadaan iyo cidda aan isleeyahay way ku haboon tahay in aan u codeyno.

Horta marka hore waxaan shaki ku jirin in aan u baahanay in isbedel dhoco haddii kale godadkeyna ayaa biyo noogu soo gelayaan. Waa jira dhowr xisbi oon u codeyn karno sida SV, KRF, SP iyo AP. SV waa xisbi yar oo la daalaa dhacaya inuu kuraas kuyeesho baarlamaanka, marka haddii uu la dego codadkeyna waa qasaaro. KRF ma ahan xisbi xun oo cadaawad u qaba ajaanibta laakiin xibigaan wuxuu u ola oleynayaa in la dhiso dawlad garabka midig ee hadda jirta marka laga reebo FRP, laakiin waxaa ku jir xibiga H oo dabada ku wata FRP oo halaag iyo dhibaato nala damacsan. Marka KRF, V iyo H nooma roono.

Xisbiga SP xawli ayuu ku socdaa laakiin la iskuma haleyn karo. Haddaba waxaa soo haray AP. Anigu waxaan qabaa in aan u codeyno Ap, sababtoo ah horta waa xisbi weyn oo saameyn leh, miisaana kuleh siyaadda dalka. Haddii aad la sheegeysato dadka norweyjiga ah, waxaa ku soobaxaya sawir ah inay xisbigaan doonayaan marka waxyaabaha intabadan culeyska ku noqday xibigaan markii hore waxay eheyd norwejigii oo markii hore ka yaacay adayna siyaasadda garabka midig, laakiin way kusoo jabeen oo hadda waxay u soo noqonayaan siyaasadda garabka bidix, shaki weyn ayaana iga jira inay isku haleynayaan xisbiga SV iyo Sp, laakiin haddii ay xitaa dhacdo inay u codeeyaan Sp iyo SV waxay u badan tahay in la dhiso dawlad wadaag ah oo ka kooban SV, SP iyo AP.

Marka annaga waxaan na looga baahan yahay in aan xoojino siyaasadda taagereysa AP.Waxaan soo jeedin lahaa in Ciddi awoodo la kulanto AP taas waxay fududeyn kartaa in isfaham yimaado laguna dhiiri geliyo in AP lagu soo celsho siyaasaddii lagu yaqiin. Tani waa aragtideyda iyo jawaab ku socota dadkii faraha badnaa talooyinka i weydiiyay.

W.Q: Abdullahi Elmi Ibrahim

F.G: Fikirka maqaalkan, waa mid uu gaar u leeyahay qoraha maqaalkan


Hadii aad rabto inaad aqoontooda, khibradaada, fikirkaaga, ama hamigaaga aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad maqaalkaada noogu soo gudbin kartaa: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments