(Maqaal)-Dood furan: Hal xisbi in codka la isugu geeyo danta soomaalida maku jirtaa?

0
120

W.Q: Maxamed Cali Maxamuud

Waxaa soo dhawaaneyso doorashada baarlamaanka dalkan Norway, iyada oo sanadkan ay soomaalidu aad ula socoto xaaladaha siyaasadeed ee dalkan, aadna moodo inay aad u saameysay siyaasada guracan ee xisbiyada midigta fog.

Hadaba waxaa jirto fikir aan marar badan ka maqlay soomaalida, kaas oo ku saleysan inaan codkeena isugu keeno xisbi kamid ah xisbiyada, si uu miisaan u yeesho, isla markaana ugu xisaabtano.  Fikirkaas waa mid aan u wanaagsan oo muhiim ah, laakiin waxaa laga yaabaa inay ka dhalato cawaaqib ka saameyn badan faa´iidada aan ka rejeyneyno.

Norway waxaa ka jirto 9 xisbi oo waaweyn iyo tobanaan kale oo yar. Hadii aan doorano inaan codka soomaalida isugu keeno hal xisbi oo kamid ah xisbiyadaas, sidee ayaan ula tacaamuli karnaa 8-da xisbi ee kale. Waxaan ognahay in Norway aysan suurtogal aheyn in hal xisbi uu helo awood uu kaga maarmi karo xisbiyada kale, sidaas darteed waxaa muhiim ah in arintaas lagu feejignaado.

[adsenseyu1]Hadii tusaale ahaan aan codka soomaalida isugu geeno xisbi, oo hadhow ay dhacdo in xisbigaas uu dowlada kamid noqon waayo, waji noocee ah ayaan xisbiyada kale la hortagi karnaa?

Fikirkan ku aadan in hal xisbi codka la isugu geeyo, ma yahay mid cilmibaaris lagu sameeyay oo maxsuulkeeda la hayo? Ma yahay mid horey loo tijaabiyay oo lagu guuleystay ama lagu qasaaray? Ma yahay mid aan u leenahay khibrad iyo aqoon, aana naqaano sida loo gurto mirahiisa ama looga feejignaado xumaantiisa?

Waxaa kale oo iyadna meesha kujirto in xisbiyada Norway ay u qeybsanyihiin sadex qeyb oo labo kamid ah ay muhiim yihiin. Garabyadaas waa ay isbaheystaan xiliyada doorashada, waxeyna dhistaan dowlada wadaag ah. Sida aan horey usoo xusay, wey adagtahay in hal xisbi uu helo dhamaan kuraasta baarlamaanka, sidaas darteed ayey xisbiyada ku qasbanyihiin iney dhistaan isbaheysi, si ay u helaan aqbliyada baarlamaanka.

Labada garab ee ugu waaweyn, waa garabka Bidix ee xisbiyada Sooshiyaalka iyo garabka midig ee Konservativka. Waxaa jiro garab sadexaad oo labadaas waxna la wadaago, waxna kaga duwan. Waxaa xaqiiqo ah in marka laga reebo qodob kooban ay Ap, Sv, iyo Sp aysan kala harin inta badan, ayna sideed sano wada maamulayeen Norway. Sidaas darteed hadii aad Ap cod siiso, waxey lamid tahay ama ka agdhowdahay inaad Sp Ama Sv aad cod siisay. Sidoo kale hadii aad Høyre cod siiso, waxey lamid tahay adiga oo Frp cod siiyay, maadaama ay inta wada shaqeeyaan.

Hadaba aniga oo kamid ah soomaalida degan Norway, waxaan rabaa inaan furo dood ku saabsan, xal miyaa noogu jiro inaan hal xisbi codka siino?. Waxaan jeclaan lahaa in walaalaha aqoonta siyaasadeed u leh arintaas, iyo warbaahinta sida NorSom ay arintaas xooga saaraan, muujiyaan wanaagsan iyo khasaaraha ku jiro arintaas.


Hadii aad rabto inaad aqoontaada, khibradaada, xirfadaada, fikirkaaga ama hamigaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed, waxaad qoraalkaada noogu soo diri kartaa: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments