Listhaug oo rabta in wadaado caan ah laga mamnuuco soo galitaanka Norway, sida ay sameysay Denmark

0
104
Listhuag

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inay rabto in soo galitaanka Norway laga mamnuuco wadaado ay sheegtay inay qeyb ka yihiin fidinta fikir xambaarsan cunfi iyo naceyb, waa sida ay hadalka u dhigtee.

Listhaug ayaa sheegtay inay arintaas kaga dayanayaan Denmark oo horey usoo saartay liiska wadaado caan ah oo ay sheegeen inaysan dalkaas soo gali galin. Denmark ayaa wadaada ay mamnuucday inay dalkeeda soo galaan, ayaa waxaa kamid ah sheekhyada caanka ah ee Cabdirahman Al-cariifi, Salmaan al cowdah, Dr. Bilal Philips iyo mufakirka Mohammad Rateb Abdalah Al-Nabulsi

Wasiirada soo galootiga ayaa sheegtay inay sida ugu dhaqsiyo badan uu suurtogal ah ay xeerkaas usoo saari doonaan, iyaga oo sameyn doono liiska wadaado aan Norway soo gali karin.

Xigasho/kilde: VG.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments