Magaalada Kristiansand ee koonfurta dalkan Norway, waxaa 31-da bishan aan kujirno ka qabsoomo doono kulan balaaran oo ku saabsan doorashada baarlamaanka ee nagu soo food leh iyo sidii ay soomaalida magaaladaas ay uga qeybqaadan lahaayeen doorashada.

Kulankaas ayaa looga hadli doonaa xisbiyada kala duwan iyo waxa ay u taaganyihiin, iyo guud ahaan qaab dhismeedka siyaasada dalkan Norway.

Kulankaas ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay ururka Den somaliske komite i Kristiansand, waxa uuna ka dhici doonaa aqalka Rådhuset kvartalet. Saacada: 17:00 ilaa 20:00.

Wixii faah-faahin ah ee kulankaas ku saabsan kala xiriir, gudoomiyaha ururka Den somaliske komite i Kristiansand, Cabdifitaax Maxamed Xirsi.

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of