lørdag, april 20, 2024

KRF: Waa bini-aadanimo ka bax in Yaasmiin Norway laga bixiyo, caruurteedana laga dheereeyo

Waxaa maalintii shaley aheyd soo shaac-baxday sheekada Yaasmiin Kristensen oo ah hooyo soomaali ah oo heysata afar caruur ah, hooyadaas oo dowlada Norway ay sheegtay inay wadanka ka bixineyso, kadib markii la helay inaysan run ka sheegin aqoonsigeeda shaqsiyeed. Yaasmiin oo ah soomaalida dalka Jabuuti ayaa markii ay sanadkii 2001 Norway magangalyada weydiisaneysay sheegtay inay kasoo jeedo Soomaaliya oo markaas ay ka socdeen colaado sokeeye oo ba´an, waa sida uu NRK sheegaye.

Hadaba wargeysyada lokalka ah ee deegaanka Lyngdal iyo guud ahaan gobolka Vest-Agder ayaa maanta si aad ah u hadalhayo sheekayada hooyadan soomaalida ah. Dadka deegaanka  Lyngdal ayaa sidoo kale Yaasmiin u muujiyeen taageero aad u weyn.

[adsenseyu1]Hans Fredrik Grøvan oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway iyo xisbiga KRF, lagana soo doorto Vest-Agder ayaa NRK u sheegay in qaabka loola dhaqmay hooyadan soomaalida ah ay tahay mid ka baxsan bini-aadanimada, isla markaana aysan dowladu si dhab ah u qiimeyn xaalada hooyadan iyo afarteeda caruurta ah.  Wuxuuna ku tilmaamay in caruurta afarta ah ee Yaasmiin ay tahay cida sida rasmiga ah loogu ciqaabayo go´aankan.

Xildhibaan ayaa dhanka kale sheegay inay muhiim tahay in ciqaab la marsiiyo dadka aan ka run sheegin aqoonsigooda shaqsiyeed, isla markaana si aan sax aheyn magangalyo ku hela. Balse wuxuu sheegay in kiiska noocan oo kale ah ay muhiim tahay in la fiiriyo nolosha ilmaha, laguna dhaqmo xeerka qaramada midoobay ee caruurta.

FRP: Waa sax in Yaasmiin la ciqaabo

Helge Andre Njåstad oo isna ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway ayaa sheegay inay sax tahay in la ciqaabo dadka aan macluumaadka saxda ah u sheegin dowlada, isla markaana laga qaado xuquuqda ay leeyihiin, lagana bixiyo wadanka. Ninkan ayaa go´aanka UNE ee Yaasmiin ku tilmaamay inuu yahay mid sax ah oo waafaqsan xeerarka iyo sharciyada Norway.

UNE ayaa qoyskan u sheegtay in Yaasmiin aysan Norway soo gali karin labo sano oo qur ah, halka dadka kale ee kiiskan noocan oo kale ah lagu helo, laga mamnuuco soo galitaanka Norway si abidi ah. Waxeyna sheegeen in qoyskan ay si wadajir ah ugu guuri karaan Jabuuti, ama aabaha qoyskan uu qaadi karo masuuliyada caruurta ama ay u guuri karaan Soomaaliya.

Xigasho/kilde: NRK, FVN.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x