Germany: Booliska oo howlgal ku qaaday labo nin oo qorsheynayay inay toogasho ku dilaan siyaasiyiin

0
127

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Germany, booliska dalkaas ayaa maanta howgal ku qaaday guri au ku sugnaayeen labo nin oo qorsheynayay inay toogaso ku dilaan siyaasiyiinta xisbiyada garabka bidix ee dalkaas. Mid kamid ah raga gurigooda howgalkan lagu qaaday ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaal katirsan booliska dalkaas.

Booliska ayaa sheegay in ragan ay diyaarsadeen liis ay ku qoranyihiin magacyada siyaasiyiin katirsan garabka bidix ee siyaasada Germany, liiskaas oo la sheegay inay ku qornaayeen magacyada siyaasiyiinta la dili doono.

kooxda ay ragan katirsanyihiin ayaa aaminsan in soo galootiga iyo qoxootiga tiro badan ee dalkaas soo galay sanadihii ugu danbeeyay ay baabiín doonaan dhaqanka bulshada dalkaas u dhalatay, sidaas darteed siyaasiyiintii arintaas ka danbeeyay ay mudanyihiin in la ciqaabo.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments