Fredrikstad: Ka qeybqaado dooda xisbiyada ee sabtida ka dhaceyso Fredrikstad

0
150

Waxaa soo dhow doorashadii baarlamaanka dalkan Norway oo sanadkan ah mid masiiri iyo muhiim ah. Magaalada Fredrikstad ee gobolka Østfold waxaa sabtidan ka dhaceyso dood u dhaxeyso xisbiyada waaweyn ee siyaasada dalkan Norway. Doodaas oo ay soo qabanqaabiyeen ururo soomaali ah, ayaa waxey ka dhici doontaa hotelka Scandic ee bartamaha magaalada Fredrikstad.

Soomaalida ku dhaqan guud ahaan gobolka Østfold, waxaa muhiim ah inay kasoo qeybqaataan doodaas, isla markaana ay muujiyaan inay qeyb ka yihiin go´aanada siyaasadeed ee dalkan oo saameyn dadban iyo mid toos ah ahba ku yeelaneyso noloshooda. Waxaa goobtaas imaan doono xisbiyada siyaasada dalkan Norway, waxaadna fursad u heli doontaa inaad su´aalo toos ah weydiiso siyaasiyiinta xisbiyadaas.

Dood noocan oo kale ayaa 20-ka bisha August ka dhici doonto magaalada Bergen, iyada oo 2-da bisha September ay dooda ugu weyn ay ka dhici doonto magaalada Oslo.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments