Finland: Labo qof oo geeriyooday kadib markii nin mindi ku hubeysan uu weeraray

0
154

Ugu yaraan labo ruux ayaa lagu soo waramayaa inay geeriyoodeen kadib markii nin mindi ku hubeysan uu weeraray dad ku sugnaa goob suuq ah magaalada Turku ee ku taalla 160 km koonfur galbeed caasimada Finland ee Helsinki.

Booliska waxay sheegayaan in weerarka ah ayaa ka dhacay Suuq lagu magacaabo Puotori ee magaaladaasi Turku ee dalka Finland.

Booliska ayaa lugta ka toogtay islamarkaana xabsiga dhigay qofka la rumeysan yahay in uu yahay qofkii weerarkaasi fuliyay.

Illaa 8 ruux ayay gaarayaan dadka dhaawaca ah, sida ay sheegeen booliska.

War qoraal ah oo boolisku soo dhigeen barta twitter-ka ayay uga digeen dadka inay bannaanada u soo baxaan iyadoo boolisku sheegeen inay weli baadi goobayaan dad kale oo laga yaabo inay hubeysan yihiin oo weli dhuumanayaan.

Cabsi ayaa guud ahaan dalka Finland oo ah waddan intiisa badan nabad ka ahaa dhibaatooyinka ka dhacay dunida sanadahan danbe.

Illaa hadda Dowlada Finland waxay sheegeysaa inay weli waqti hore tahay in weerarka lagu sheego mid argagixiso iyo in kale.

Wasaaradda arrimaha gudaha Finland ayaa shaacisay inay baareyso sababta dhacdadan ka danbeysa iyo qofka geystay ujeedkiisa.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments