Dowlada oo rabto inay lacag ku taageerto dadka raba inay bartaan darawalnimada Busska

0
126

Dowlada Norway ayaa rabto in isbadal lagu sameeyo sharciyada sanduuqa kaalmada ardeyda(lånekassen), si dhaqaale loogu taageero dadka raba inay bartaan darawalnimada busska.  Shirkadaha gaadiidleyda busska ayaa arintaas si aad ah usoo dhaweeyay, iyaga oo sheegay inay dhiirigalin u noqon karto dad badan oo raba inay xirfadaas bartaan.

Wasiirka waxbarashada dalkan Norway, Torbjørn Røe Isaksen ayaa sheegay inuu fariimo badan oo arintaas ku saabsan uu ka helay shirkadaha ka shaqeeyo bussaska, ayna arintaas noqon karto qaab si fudud loogu heli karo darawaliin buss. Wuxuuna sheegay inay dhiiragalin dheeri ah u noqon karto dadka horey u rabay inay bartaan, iyo waliba kuwo cusub oo ay arintaas ku dhalan karto.

Shirkadaha gaadiidka ayaa ka cabanaya ineysan helin darawaliin ku filan oo bussaskooda wada. Ina Helen Østby oo ah madaxa xiriirka shirkada bussaska ee UNE-Buss ayaa sheegtay in dhowrka bilood ee soo socdo oo kali ah ay u baahanyihiin 100 ilaa 200 oo darawal. Waxeyna sheegtay in arintaas ay sabab u tahay labo arimood:

  1. Dadka raaca gaadiidka dadweynaha oo aad usoo badanayo iyo 2) qaar badan oo kamid ah darawalada busska oo sii gaboobayo, isla markaana kusii socdo da´dii howlgabga.

Inne ayaa aaminsan in hadii  dhaqaale lagu taageero ardeyda barata darawalnimada busska dhibtaada arintaas xal loo heli karo. Waxeyna dowlada ka codsatay inay sameyso talaabooyiin dhibaatadaas xal deg-deg ah loogu heli karto.

Wasiirka waxbarashada Norway ayaa dhankiisa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto ururada shaqada iyo shaqaalaha, iyo shirkadaha gaadiidka dadweynaha, si ay uga wada hadlaan qaabkii arintan wax looga badali lahaa. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in kor loo qaado sumcada shaqo ee dadka ka shaqeeyo bussaska iyo tiriiga(tareen-yaraha).

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments