Denmark: Labo nin soomaali ah oo mar kale mudada xabsiga loo dheereeyay

0
105

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Denmark, labo nin oo asal ahaan soomaali ah, balse heysta dhalashada dalka Denmark ayaa maanta mar kale loo cusbooneysiiyay mudada ay kusii jiri doonaan xabsiga, iyaga oo aan wax xukun ah wali ku dhicin. Labadan oo ay soo xireen laamaha sirdoonka dalka Denmark ayay qaar kamid warbaahinta Denmark qorayaan inay xiriir la lahaayeen shabakad xagjir ah oo ka dhisan dalka U.K.

Ilaa hada majirto qodob cad oo lagu eedeeyay labadan nin ee soomaalida ah, inkasta oo xabsiga ay hada kujiraan mudo 7 bilood kor u dhaafeyso.

Mid kamid ah labada nin ayaa horey looga mamnuucay inuu tago dalka Ingiriiska, halka kan kalena horey loogu xukumay 7 sano oo xabsi ah, kadib markii ay maxkamad ku heshay danbi ah inuu gacan ka geystay qorshe uu wiil heysto dhalashada U.K ugu baxsaday dalka Siiriya.

Labadan nin ayaa xabsiga kusii xirnaan doono ilaa 7. Bisha September ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Avisen.dk

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments