Denmark: Dowlada oo dib ugu noqoneyso go´aanka ay magangalyada ugala noqotay 7 qoys oo soomaali ah: Ogow sababta!

0
255
Wasiirada arimaha soo galootiga Denmark

Sida uu soo tabinayo wargeyska Politiken ee dalka Denmark, dowlada dalkaas ayaa dib ugu noqon doonto go´aanka ay sharciga magangalyada ugala noqotay 7 qoys oo soomaali ah, kuwaas oo bilo kahor lagu wargaliyay in lagu celinayo wadankoodii. Qoysaskan ayaa heysto gabdho yar-yar oo la sheegay inay khatar ugu jiraan inay la kulmaan gudniin, hadii dib loogu celiyo wadankii ay waalidkood kasoo qaxeen ee Soomaaliya.

Go´aanka cusub oo ay dowlada Denmark sheegtay inay dib ugu noqoneyso kiisaska 7-daas qoys ee soomaalida ah, ayaa yimid kadib markii Denmark ay dhaleeceyn weyn kala kulantay ururada xuquuqul insaanka iyo qaar kamid hey´adaha qoxootiga ee ka howlgala dalkaas.  Waxaana Denmark lagu eedeeyay inaysan qiimeyn sax ah ku sameyn kiisaska qoysaskaas heysto gabdhaha yar-yar oo intooda badan ay ku dhasheen Denmark, iyo khatarta ay ugu jiraan gudniin hadii Soomaaliya lagu celiyo.

Sidoo kale waxaa jiro 9 qoys oo kale oo soomaali ah, kuwaas oo cabasho ka gudbiyay go´aanka ay Denmark ka gaartay kiisaskooda, waxeyna wali sugayaan jawaabta ay hey´adaha soo galootiga dalkaas ka bixin doonto cabashadooda. Qoyskan ayaa iyagana sidoo kale sheegay in gabdhahoodu ay khatar ugu jiraan gudniin, hadii lagu celiyo Soomaaliya.

7-dan qoys ee soomaalida ah ayaa kamid ah guud ahaan 800 qof oo qoxooti soomaali ah, kuwaas oo ay Denmark sheegtay inay magangalyadooda dib u qiimeyn ku sameyn doonto.

Wasiirada soo galootiga dalka Denmark ayaa wali ku adkeysaneyso inay ku kalsoontahay go´aanka ay gaarto hey´ada soo galootiga dalkaas. Muhiimaduna ay tahay in dalkoodii lagu celiyo qoxootiga soomaaliyeed ee aan u baahneyn magangalyada dhabta ah.

Xigash/kilde: Avisen.dk, Politikken.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments