(Daawo): Culimada soomaaliyeed oo dadka ugu baaqaya inay ka qeybqaataan dhismaha masaajidka Drammen

0
118

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Drammen ayaa dhawaan la wareegtay guri horey u ahaan jiray kaniisad, halkaas oo la rabo inay noqoto hoyga cusub ee masaajidka Abuu-bakar sadiiq ee Drammen. Maamulka masaajidka ayaa dhamaan umada soomaaliyeed ka codsanayo inay ka qeybqaataan dhameystirka masaajidka, maadaama howsha dhismaha masaajidku ay tahay bilow, isla markaana ay u baahantahay dhameystir.

Qaar kamid Culimada waaweyn ee soomaaliyeed ayaa fariin guud u diray dhamaan soomaalida kunool daafaha caalamka, iyaga oo ku booriyay inay ka qeybqaataan dhismaha masaajidka Abu-bakar Al Sadiiq. Culimadan oo kala joogo wadamo kala duwan oo caalamka ah, ayaa waxaa kamid ah Dr/SH Cali Maxamed Saalax, Sh Maxahamed Idiriis, Sh. Siciid Raage, Sh Abdinuur, Sh. Yuusuf iyo Sh. Abyad. (Hoos ka daawo muuqaalka)

Drammen ayaa kamid ah meelaha ay aadka u deganyihiin jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Norway, waxaana dhamaan soomaalida Norway la gudboon inay ka qeybqaataan dhismaha masaajidkaas.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments