Booliska Sweden oo baaritaan ku sameynayo geerida wiil dhalinyaro soomaali ah oo xanuunsanaa

0
180

Booliska dalka Sweden ayaa baaritaan ku wado sababta keentay geerida wiil dhalinyaro soomaali ah oo ku geeriyooday deegaanka Upplands Väsby. Sida uu soo tabinayo wargeyska SVT Wiilkan oo ahaa 18 sano jir ayaa qabay cudurka autism-ka, waxaana lagu hayay goob gaar ah oo lagu xanaaneeyo dhalinyarada maskax ahaanta u xanuunsan.

Hooyada wiilkan oo u warantay SVT ayaa sheegtay in wiilkeedu uusan helin taageeradii uu u baahnaa, waxaana qoyska wiilkan heysatay xaalad guri la´aan, iyada oo ay u dheereyd xaalada caafimaad ee wiilkan geeriyooday.

SVT ayaa qorayo in boolisku ay horey uga warqabeen xaalada wiilkan, iyaga oo dhowr mar oo uu qoyska ka dhuuntay usoo celiyay gurigiisa. Hooyada wiilkan ayaa sheegtay inay codsaday in wiilkeeda la geeyo iskuulada gaarka ah ee loogu tala-galay caruurta qabta xanuunkiisa oo kale, isla markaana loo qabto qof caawiya, waxeyna sheegtay in jawaabta codsigaas uu qaatay waqti dheer. Baaritaan caafimaad oo horey loogu sameeyay wiilkan ayaa lagu sheegay inuu u baahanyahy dhaq-dhaqaaq howlgaleed, si uu degenaansho u dareemo. Waxaana markii danbe la geeyay goobaha lagu hayo caruurta maskax ahaanta u ahaanta u xanuunsan, halkaas oo mudo kooban kadib laga helay meydkiisa qolkii uu degenaa.

Hooyada wiilkan ayaa codsaday in baaritaan lagu sameeyo sababta keentay geerida wiilkeeda, iyada oo dhanka kale eedeyn loo jeediyay dadka gacanta ku hayay xarunta uu wiilkaas ku geeriyooday.

Booliska Sweden ayaa dhankooda wada baaritaan ku saabsan sababta keentay geerida wiilkan dhalinyarada soomaaliga ah ee xanuunsanaa.

Xigasho/kilde:SVT.SE

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments