fredag, april 19, 2024

Ap oo uu xaalku ku xunyahay, jaaniska Solberg ay xukunka kusii heyn doonto oo kor u kacay

Xisbiga Ap oo ah xisbiga ugu weyn, isla markaana ah xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn dalkan Norway ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac baaxad leh oo dhanka codbixinada lagu qaaday qaabka online-ka ah. Hoos u dhaca Ap waxay farxad u tahay Erna Solberg oo markii ugu horeysay u muuqato mid heshay jaanis cusub oo ay xukunka afar sano kusii heysan karto.

Codbixin online ah oo lagu qaaday tv-ga qaranka Norway ee NRK ayaa lagu ogaadyay in xisbiyada midigta ee hada talada haya ay heystaan taageerada ugu badan, maalin kadib marka ay dhacday doodii ugu horeysay ee xisbiyada tooska ah. Codbixino kale oo la qaaday ayaa lagu ogaaday in Ap ay lagama maarmaan ku noqon doonto inay la shaqeeyaan Rødt iyo MDG, si ay kursiga ula wareegaan.

Sadex isbuuc ayaa ka harsan doorashada baarlamaanka dalkan Norway, walina lama saadaalin karo natiijada doorashada. Laakiin hoos u dhaca Ap, waxey soo nooleyneysaa rajada soo noqoshada xisbiyada hada talada hayo.

Xisbiga KRF ayaa u muuqdo inuu yahay jokerka doorashadan, iyada oo dhanka ay raacaan ay u badantahay inay la wareegaan ama ay sii heystaan talada Norway Afarta sano ee soo socoto.

Xigasho/kilde: NRK.NO

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x