Ap oo mar kale ka hoos maray 30%, 17 maalmood doorashada baarlamaanka kahor

0
174

Xisbiga Ap oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn dalkan Norway ayaa sii luminaya taageerayaal badan, iyada oo doorashada baarlamaanka ay inaga xigto 17 maalmood oo kali ah. Ap ayaa helay 27% codbixin loo qaaday qaab online ah, waxaana ku yimid hoos u dhac ku dhow 1%.

Hoos u dhaca Ap, waxa uu niyada siineysaa Erna Solberg oo mar kale rajeyneyso in boorsooyinkeeda ay sii yaalaan aqalka Reysulwasaaraha Norway. Xisbiyada midigta ayaa codbixintan online-ka helay aqlabiyad kooban oo ay baarlamaanka ku qabsan karaan. 

Hadii uu xaalku sii ahaado, sida uu hada yahay ama uu kasii xumaado, wuxuu Jonas Gahr Større ku qasbanaan doonaa inuu taageero weydiisto Rødt iyo MDG oo isbuucyo kahor uu ka dhaartay inuu la shaqeeyo.  

lama garan karo waxa keenay hoos u dhaca deg-deg ah ee Ap, laakiin arintaas waxa ay shaki weyn galineysaa natiijada ay ku dhamaan doonto doorashada baarlamaanka Norway. Ilaa hada lama saadaalin karo qaabka ay wax noqon doonaan, jaaniska labada dhinacna waa 50% midkiiba.

Inkasta oo codbixinadan online-ka lagu qaado ay yihiin kuwo kooban, hadana waxaa looga qiyaas qaadan karaa qaabka ay u dhici karto doorashada baarlamaanka oo 17 maalmood oo qura ay ka harsantahay.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments