torsdag, april 25, 2024

Xeer cusub: Si aad u hesho lacagta kontantstøtte, waa inaad ugu yaraan Norway degenaataa shan sano

Wasaarada sinaanta iyo qoyska iyo dalkan Norway ayaa kowdii bishan Luulyo dhaqangalisay sharci cusub oo shuruud ka dhigaya in qofku uu Norway degenaado ugu yaraan 5 sano, si uu xaq ugu yeesho lacagta la siiyo waalidiinta heysta ilmaha labada sano kayar ee loo yaqaan Konstantstøtte.

Konstantstøtte waa lacagta la siiyo waalidiinta dhaley ilmaha ay da´doodu u dhaxeyso hal iyo labo sano, isla markaana aan dhigan barnehage(xarunta xanaanada) dowladeed.

Sharcigan cusub ayaa qabanaya qoxootiga iyo dadka soo galootiga ah ee aan kasoo jeedin wadamada la isku yiraado EØS-området( wadamada midowga Yurub+ Iceland).

[adsenseyu2]

Wasiirada sinaanta iyo qoyska dalkan Norway, Solveig Horne ayaa sheegtay in arintan ay usoo rogeen si ay soo galootigu ugu dhiiradaan inay mujtamaca qeyb ka noqdaan oo shaqo raadsadaan, iyo in laga hortago in soo galootiga wadanka ku cusub ay guri-fadhiid noqdaan. Waxeyna sheegtay in lacagta Konstantstøttuhu ay qeyb ka qaadan karto in soo galootigu wadanka ku cusub, gaar ahaan dumarku aysan ka qeybqaadan suuqa shaqada.

Horne ayaa dhanka kale in caruurta soo galootiga ay fiicantahay inay dhigtaan barnehage, si ay luuqada u bartaan isla markaana ay mujtamaca u dhexgalaan. Waxeyna raacisay in lacagta konstantstøtte ay wiiqeyso jaaniska ay caruurta soo galootigu ku aadi karaan barnehage, taasna ay khasaaro u tahay cunuga iyo guud ahaan mujtamaca.

Xigasho/kilde: Avisen-agder, Barnehage.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x