Xagee mareysaa xiisadii siyaasadeed ee dalka Sweden!

0
132
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Dalka Sweden ayaa maalmihii ugu danbeeyay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo gaartay meel sare, iyada oo ay qarka saarneyd inay dhacdo xukuumada uu hogaamiyo reysulwasaaraha Sweden, Stefan Lofven. 

Xisbiyada mucaaradka ayaa shaley sheegay inay kalsoonida kala noqdeen qaar kamid ah wasiirada xukuumada hada ka taliso Sweden, arintaas oo keentay in ay xaaladu ku adkaato reysulwasaaraha dalkaas.

Waxaa xilka ka qaaday wasiiro:

Shir jaraa´id oo saaka lagu qabtay madaxtooyada Sweden ayaa lagu sheegay in isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada Sweden.

Wasiirkii arrimaha gudaha Anders Ygeman ayaa xilkiisii ku wareejiyay wasiirka cadaalada ee Morgan Johansson. Halka wasiirkii kaabayaasha dhaqaale ee Anna Johansson xilkii laga xayuubiyay. Lofven ayaan dhanka kale xilka ka qaadin wasiirka difaaca Peter Hultqvist oo kamid ahaa sadexdii wasiir ee mucaaradku ay sheegeen inay kalsooniada kala noqdeen.

Reysulwasaaraha Sweden ayaa sheegay inuu qiimeeyay dhowr wado oo furnaa si uu xal uga gaaro xiisadan, isaga oo sheegay inuu doortay tii ugu fiicneyd ee uu u arkay inay ku jirto xalka dalkiisa.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments