Wiilka Trump oo ay cadaatay inuu xiriir la lahaa Ruushka intii uu socday hardanka ololihii doorashada

0
135
Trump iyo curadkiisa Trupm Jr

Wiilka curadka ah ee madaxweyne Donald Trump ayaa la ogaaday in loo sheegay macluumaadka xog ku saabsan Hillary Clinton, taas oo dhaawac ku ahaan laheyd ololaheeda doorashada sanadkii hoe.

Trump Junior ayaa la sheegay inuu kulan la qaatay wakiilo ka socdo dowlada Ruushka, kuwaas oo u balanqaaday inay kusoo wareejin doonaan macluumaadkaas.  Rob Goldstone  oo soo qaban qaabiyay kulankaasi dhacay bishii Juun ee sanadkii 2016, ayaa sidaa ku sheegay email, sida uu shaaciyay wargeyska New York Times.

Trump Jr ayaa dhankiisa qiray in kulankaasi uu dhacay, balse wuxuu ku dooday in macluumaadka ay haweeyneydaasi siisay aysan ahayn kow waxtar leh, ama xog xasaasi ah watay. Wuxuu intaa ku daray in markii dambe ay kala hadashay arrin taa ka duwan oo ah sida carruurta Ruushka ay ula soo wareegi karaan una korsan karaan qoysaska Maraykanka ah.

Afhayeen u hadlay garyaqaannada madaxweyne Trump ayaa sheegay in madaxweynaha uusan ka war qabin isla markaana aanu ka qeyb galin kulankaasi.

Gudi ka tirsan Congress-ka Maraykanka iyo dacwad ooge gaar ah ayaa baaritaan ku haya in kooxdii doorashada Trump iyo Ruushka uu xiriir ka dhexeeyay ka hor doorashadii 2016.

Baaritaannada ayaan weli soo bandhigin wax caddeyn ah, halka madaxweyne Trump-na uu marar badan beeniyay inuu Ruushka gacan ka helay markii uu u tartamayay madaxtinnimada Maraykanka.

Xigasho/kilde: NewYork Times

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments