(Warbixin kooban) Xisbiyada siyaasadda ee Norway iyo aragtiyahooda.

0
120
Mohamed Bashiir Hønefoss.
Mohamed Bashiir Hønefoss.

Sidaan qormadii horeba idiinku ballanqaaday, waxaan idiin soo bandhigayaa xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Norway iyo aragtiyahooda. Waxaana aan diiradda saarayaa si gaar ah xagga is dhexgalka iyo soo galeetiga.

Xisbiyada maanta fadhiya Barlamaanka Norway, ahna kuwa ugu firfircoon ayaa ah 8-dan xisbi ee hoos ku xusan.

 

  • Høyre (H)
  • Fremskrittspartiet (Frp)
  • Kristelig Folkeparti (KrF)
  • Venstre (V)

 

  • Arbeiderpartiet (Ap eller A)
  • Sosialistisk Venstreparti (SV)
  • Miljøpartiet De Grønne (MDG)
  • Senterpartiet (Sp)

4ta u sarreeya ayaa ah kuwa maanta ah is bahaysiga dowladda oo labada kore yihiin kuwa dowladda ama xukuumadda haya ayna wasiiradu iyaga ka tirsanyihiin, halka labada dambe ay u yihiin kuwa iyaga taageera garabna siiya waloow ay wax badan isku khilaafaan.

haddii aan afartaas kala yare qaadqaado xisbiga Høyre oo ah xisbi garabka midig ah(waa xisbiyada had iyo jeer aaminsan in la ilaaliyo mujtamaca dhaqankiisa iyo hiddahiisa lagana ilaaliyo dhaqamo kale oo ku milma dooriyana) ,siyaasaddiisuna waxay badi u adeegtaa dadka ladan ama dhaqaalaha heysta. Xagga ajaanibka iyo soo galeetiga maaha mid u furfuran, mase jiro nacayb muuqda oo ay afkaartoodu u qabaan ajaanibka, waxayse ku xiraan shuruudo adag si ay isdhexgal u sameeyaan, una shaqaystaan, noqdaan dad is bixiya oo aan cid ku kalsoonaan. Waxay diiradda saaraan in la yareeyo qaxootiga badan balse dhaqaale lagu bixiyo waddamada ay qaxootigu ka yimaadaan, si loo yareeyo dagaalada, gaajada iyo duruufaha dadka qaxinaaya, waddamadaasna laga hirgeliyo nidaam dimoqraadi ah oo dadkaas lagu maamulo. Xisbigan oo ay Raiisal wasaaraha Norway ka tahay hogaamiye waxa Soomaali ahaan uu kula kacay falal badan oo aan la jeclaysan haba ugu horrayso hadallo aan munaasib ahayn oo hogaamiyaha xisbigaas ka soo baxay intii aanay noqon raiisal wasaaraha, waxay kale oo aad uga soo horjeedsatay sharci siinta soomaalida, intii talada ay qabatayna soomaalida soo gashay Norway iyo inta sharciga la siiyey waxaaba ka badan inta lagala noqday ama loo durbaan tumanaayo.

[adsenseyu2]

Xisbiga FRP xisbigani waa xisbi lagu tiriyo inuu yahay garab midig oo xag jir ah, siyaasadiisuna waxay mar walba ka soo horjeeddaa ajaanibka iyo soo galeetiga guud ahaan, gaar ahaana dadka ka soo jeeda waddamada aan lahayn dhaqan reer galbeed. Xisbigani makala sooco ajaanibta, waxayna aad ugu weeraraan si bareer ah iyagoo adeegsada warbaahinta iyo fursad kasta oo ay helaan. Dowladda hadda jirta waxay ku leeyihiin awood weyn oo arrimaha gudaha, maaliyadda iyo soo galeetiga ayey wasiira iyaga ahi maamulaan.
Xisbigani ma qarsado diidmada uu diiddanyahay ajaanibka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dunida saddexaad, soomaalidana hadalkeedaba daa. waxay aad ugu mashquulyihiin ayna fuliyeen in dadka diidmada haysta la saaro , mudda yarna way ku guuleeysteen in ilaa 7000 oo sharci aan haysan la saaro. waxay kaloo yareeyeen soo gelidda qaxootiga oo intay xukunka hayeen waxaa is dhimay qaxooti oo dhan, waxay kaloo soo saaraan sharciyo maalinba tan ka dambaysa laga yaabo, waxayna maalmahaan soo ugogol xaareen sharci adkaynaaya qaadshada deganaansho joogta ah,waxay isla maalamahaa u heesayaan in dhalashada lagu qaato 10 sano.

Xisbiga KRF waa xisbiga dimoqraadiga masiixiga, walow uu diin ku magcaabanyahay haddana ma wato afkaar diin fidineed balse waxay aaminsan yihiin in mabaadiida masiixiga la dhowro, Waxayna aaminsanyihiin in mabaadiida masiixinimadoodu farayso in dadku simanyahay lana is ixtiraamo,la gacan qabto masaakiinta saboolnimadana lala dagaalamo. Xisbigani ajaanibka ama soo galeetiga uma darna, roonaansho gaarana oo lagu sheego ma jirto, waxaana laga yaabaa isaga oo xisbiyo badan dhaama in magac dartiis looga durko, kuwa badan ayuuse dhaamaa run ahaantii.

Xisbiga Venstre Waa xisbi garabka bidix ah oo siyaasdiisu u janjeerto furfurnaanta una arka soo galeetiga iyo joogitaankoodu inuu wanaagsanyahay, waxay kaloo aad u tix geliyaan isu keenidda qoysaska iyagoo aaminsan in reer kala yaacsan aanay haysan nolo fiican . Xisbigani walow ay dowladda iyo xisbiyada haya ku wada guulaysteen doorashadii 2013, haddana ma hayaan wax jago wasaaradeed ah, sababtuna waa kala fogaanta siyaasadeed ee iyaga iyo garabka midig waxaana isu keenay uun duruuf iyo is xulufaysi siyaasadeed.

Waxaan ku soo koobayaa 2 xisbi oo ay Soomaalid Norway u kala taageerto oo labaduba lagu tiriyo xisbiyo garabka bidix ah siyaasaddooduna u furfurantahay soo galeetiga iyo is dhex galka ,waana xisbiyada AP AMA XISBIGA SHAQAALAHA IYO SV

AP waa xisbi garabka bidix ah siyaasdiisuna ay tahay mid u hiilisa shaqaalaha , meela badanna u garab istaagta siyaasad ahaan arrimaha soo galeetiga iyo qaxootiga, balse xisbigaan waxaa caqabada kala soo gudboonaadeen loollanka ay la loolamayeen axsaabta kale, taas oo dhalisa in dhaliiliddii ajaanibka iyo soo galeetiga aya kaga adkaadeen Høyre iyo FRP iyada oo dhagahii shacabka lagu shubay ka soo horjeedka ajaanibka, taas oo ay dadkuna u nuglaadeen .
Xisbigani doorashadii 2013 ka dib waxay bilaabeen siyaasad toodii ka duwan oo aad mooddo inaanay ahayn tan dhabta ah ee e xisbiga balse ay tahay kuraas ilaashi iyo inaan codka la waayeen, taasoo sababtay in xisbigu waxbadan uga ekaado xisbiyadii garabka midig . Waxaa xisbiga soo wajahay kala qaybsanaan badan waxaana ka baxay dad badan oo siyaasaddiisa saluugay kuwaasoo la yaabay mowqifka xisbiga iyo sida uu ajaanibkii ama soo galeetigii dhabarka ugu jeediyey.

SV: Xisbigani waa xisbi bulsho furfuran , neceb cunsuriyadda siyaasadiisuna ay tahay mid ajaanibka aad ugu furfuran,doonayana in lagu wada noolaado si wanaagsan la is barto lana is dhex galo. Xisbigani muhiim uma aha kuraasta iyo inta cod oo ay helaan, balse waxaa u muhiim ah inay ku taagnaadaan mabaadiiddoda ,waana xisbi aan la gaban difaaciisa uu difaaco danaha soo agleetiga iyo qaxootigaba. Xisbigan waxaa siyaasadiisa aad ula dhacsan dhammaan dadka jecel in qaxootiga la soo dhoweeyo ayan helaan nolo wanaagsan.  Laga yaabee in loo arko inaan si gaar ah xisbiga u buunbuuninaayo balse maaha taas ee waa inaan dadkayga taabsiiyo runta iyo xaqiiqada.
Gunaanadka waxaan Soomaalida xaqa u leh inay codeeyaan farayaa inay si gaar ah axsaabta u kala eegaan baaraan siyaasadda axsaabta qaataanna go,aan u adeegaaya dantooda iyo tan dadkooda.

Waxaa intaa ka sii muhiimsan oo aan farayaa Soomaalida Norway joogta inay la socdaan siyaasadda ,codkoodan dhiibtaan.cCodkaagu waa muhiim isbedel ayuuna keeni karaa. Codeey haddii kale codkale ayaa ku hagaayaa,waxaadna u noqon maxbuus siyaasad aadan raacsanayn ama ku kalasoooni qabin.

Guul ayaan dhamaantiin idiin rajaynayaa,waxaanan codsnayaa in waxii qalad ah laga raalli ahaado, dibna la iigu soo war celiyo .

W.Q: Maxamad Bashiir Hønefoss


Hadii aad rabto inaad aqoontooda, khibradaada, xirfadaada, fikirkaaga ama hamigaaga la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments