Warbaahinta dalkan Norway oo aad u hadalheyso orodyahan soomaali ah oo mustaqbal ku leh ciyaaraha orodada

0
217

Warbaahinta dalkan Norway ayaa dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyay aad u hadalheyso orodyahan dhalinyaro soomaali ah oo lagu magacaabo Abdulhajeel. Orodyahankan soomaaliga ah ayaa dhawaan ka qeybgalay tartan orodka  dheer ah, kaas oo isbuucii hore ka dhacay magaalada Gotoberg ee dalka Sweden, wuxuuna dhigay rekord cusub oo tartanka orodada 3000 ee kooxdiisa ah.

Sida uu qorayo wargeyska Adressa-avisen Abdul oo 21 sano jir ah ayaa ku dhashay dalka Holland, wuxuuna Norway yimid isaga oo 7 sano jir ah. Sanadkii 2007 ayuu bilaabay inuu ka qeybqaato ciyaaraha orodada, kadib markii uu mudo ciyaarayay ciyaarta kubada cagta.

Macalimiinta kooxdiisa, ciyaaryahanadii hore ee orodka iyo dadka aqoonta u leh orodyahankan soomaaliga ah, ayaa dhamaantood isla qirayo inuu leeyahay hibo ciyaareed oo orodka ah, waxeyna saadaaliyeen in Abduljaleel uu mustaqbal weyn ku dhex leeyahay ciyaaraha orodada.

Orodyahankan soomaaliga ah ayaa sheegay inuu qabo kalsooni ah in shanta sano ee soo socoto uu kasoo muuqan doono tartamada ciyaaraha orodada caalamka. Wuxuuna raaciyay in hadafkiisa shanta sano ee soo socoto uu yahay ka qeybqaadasha ciyaaraha olombikada aduunka ee ka dhici doono magaalada Tokyo ee dalka Japan sanadka 2020.

Xigasho/kilde(Halkan ka akhri warbixinada ay orodyahanka ka qoreen warbaahinta Norway): Aftenposten.no, Adressa.no, BT, A Aftenbladet.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments