VG: 47% dhalinyarada heshay magangalyada, waxaa wadanka laga saari doonaa marka ay 18 sano buuxiyaan

0
116

Shantii bilood ee ugu horeeyay sanadkan 2017, waxaa Norway magangalyo ka helay 698 dhalinyaro magangalyo doon ah oo da´doodu ay ka hooseyso 18 sano. 47% ama 331 kamid ah dhalinyaradaas, waxey heleen magangalyo kumeel gaar ah taas oo ka dhigan inay Norway sii joogi doonaan ilaa ay ka gaarayaan da´da 18 sano.

Tirada dhalinyarada ay Norway siineyso magangalyada kumeel gaarka ah, ayaa waxaa ku yimid kor u kac aad u weyn sanadkii ugu danbeeyay. Sanadkii 2016, 14% kamid dhalinyarada Norway magangalyada soo weydiisatay ayaa heshay magangalyo kumeel gaar ah, halka sanadkii 2015 ay tiradu aheyd 1,5% oo kali ah. Dhalinyarada ugu badan ee Norway soo weydiisto magangalyada, waxey asal ahaan kasoo jeedaan dalka Afgaanistaan.

UDI-da ayaa sheegtay in dhalinyarada la siiyo magangalyada kumeel gaarka ah, ay yihiin kuwo aan buuxin shuruudii lagu heli jiray magangalyada, isla markaana aan wadanka laga bixin karin maadaama ay ka yaryihiin 18 sano. Waxeyna raaciyeen in da´dooda oo 18 sano ka yar darteed loo siiyay magangalyo, marka ay qaan-gaaraana loo celin doono wadankoodii.

[adsenseyu2]

Ap: Ma balan qaadi karno inuu isbadal dhici doono:

Stein Erik Lauvas

Stein Erik Lauvås oo ah afhayeenka Ap u qaabilsan arimaha soo galootiga ayaa sheegay in hadii xisbigiisu uu hanto talada xukuumada, aysan balan qaadi karin in arintaas uu isbadal ku imaan doono. Isaga oo raaciyay inay raaci doonaan waxa uu xeerku markaas ka qabo arintaas, arinta ugu weyna ay tahay cida u baahan magangalyo iyo cida aan u baahneyn.

SV iyo KRF oo ah labo xisbi oo laga yaabo inay Ap la shaqeeyaan doorashadan ayaa soo jeediyay in gabi ahaanba la joojiyo magangalyada kumeel gaarka ah ee la siinayo dhalinyarada magangalyo doonka ah.

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments