fredag, april 26, 2024

Ururada ku dhisan magaca beelaha ee kajira Norway

Wadankan norway waxaa ka jiro ururo badan oo wato magacyo soomaaliyeed oo qurux badan, kana turjumayo midnimo iyo waxqabad. Ururadaas waxey wada sheegtaan in ay bulshada u hayaan shaqooyin muhiim ah, kana shaqeyaan arimaha bulshada, laakiin xaqiiqadu waxey tahay in qaar badan oo ururadaas kamid ah ay yihiin ururo qabiil, kuna dhisan hab beeleed, laakiin wata  oo kaliya magac soomaaliyeed. Waxeyna ka shaqeeyaan in aan la helin jaaliyad somaliyeed oo isku duuban, waxeyna bulshada u kala qeybiyaan qeybo yar-yar oo aan iskood wax u qabsan karin

Tuuladii baan ceel ka qodeyna, reer hebel baan la tartameyna:

Brønnøysundregistrene waa meesha laga diiwaan geliyo urarada ka jira dalka Norway. Markaad booqato webkaas, aadna ku qorto magaca Somali, waxaa kuu soo baxayo 311 urur oo jaaliyada soomaaliyeed ee Norway u hayo shaqooyin aad u muhiim ah. Hadana lama hayo hal urur oo jaaliyada u hayo shaqo muhiim ah oo la xusi karo, waxna u tara dadka maalin walba la dulmayo.

 Urarada qabiilada ee huwan magaca soomaaliyed, waxaa laga dhexlay in xafiis walba nalaga so xirto, caruurteyna si fudud lo qaato, eysana jirin urur ama xafiis jaaliyada matala ama magaceeda ku hadli kara.

Hadaba jaaliyada aana laheyn urur ka shaqeeya danahooda guud ,lama tartami karaan jaliyadaha kale ee isku duuban. Hadii aynan soomaali ahaan maanta is dabarqaban, berito wey adkaan doontaa in wax laga qabto.

Sidaas awgeed waxaan jaaliyada somaliyed, siiba dhalinyarada kula talinaya in aad wax badan ka barataan , urur beenaadka jaaliyada lagu qalday ,laguna indhotiray. Waayo waxaan ogahay in dhalinyaradau wax badan ka ogyihiin, xaqiiqda dhabta ee ka jirta dalkan aan ku nool nahay, waxbadana ka yaqanan sida jaaliyadaha kale loola noolaado.

Dhalinyarada waa hogaanka jaaliyada ee fursad hala siiyo.

W.Q: Ahmed M Abukar


Hadii aad rabtid inaad aqoontaada, khibradaada, fikirkaaga ama aqoontaada aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo diri kartaa: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x