UDI-da oo bartooda internetka soo dhigay warbixin ku socoto soomaalida codsatay degenaanshaha

0
139

Hey´ada socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee UDI-da ayaa bartooda internetka soo dhigay macluumaad cinwaan looga dhigay»Informasjo til flyktninger fra Somalia som skal søke om permanent opphold».

Macluumaadkan ay UDI-du soo dhigeen bartooda internetka ayaa ah mid aan wax badan ka duwaneyn kii ay soo dhigeen sanad kahor, kaas oo isna ku saabsanaa dadka soomaaliyeed ee codsaday ama codsan rabo sharciga degenaanshaha rasmiga ah. Balse waxey markan soo raaciyeen waraaqo kale oo af-soomaali aan si fiican u tifaftirneyn ku qoran, kuwaas oo soo koobaya macluumaadka nuxurkooda.

Mar labaad ayay sheegeen inay dib u qiimeyn ku sameyn doonaan magangalyada dadka soomaaliyeed ee magangalyada qoxootinimada helay wixii ka horeeyay kowdii bishii October ee sanadkii 2014. Waxeyna sheegeen in arintaas ay timid, kadib markii wasaarada cadaaladu ay amar UDI-da ku siisay inay dib u qiimeyn ku sameeyeen baahida magangalyo ee soomaalida, maadaama xaalada amaan ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay soo hagaagtay wixii ka danbeeyay xiligaas.

Ilaa hada 120 qof:

Sida ku xusan warbixintoodan cusub, waxaa ilaa hada jawaab digniin sharci kala noqosho ah helay 120 qof oo kamid ah dadka codsaday degenaanshaha. Mudo dhowr bilood kahor ah ayey UDI-du sheegtay inay ilaa hada digniin u dirtay 120 qof, laakiin ilaa hada ma sheegin tirada digniinta heshay ee ugu danbeyn si rasmi ah u waayay sharcigooda magangalyada, kadib markii dib u qiimeyn lagu sameeyay.

[adsenseyu2]

Ha safrin inta aad jawaab heleyso:

Macluumaadkan cusub ayay ku sheegeen inaysan garan karin xiliga ay qaadan karto inta uu qofku jawaab ka helayo codsigiisa, sidaas darteed waxey dadka degenaanshaha codsaday kula taliyeen inay dalban tigid safar ah, kahor inta aysan jawaab ka helin codsigooda, ama aysan helin document safar oo cusub.

Waxey kale oo raaciyeen inaad sii wadan karto shaqada, waxbarashada iyo noloshaada kale ee caadiga ah, ilaa aad ka heleyso jawaabta codsigaada.

Hadii aad jawaab ku saabsan dib u qiimeyn, waxaad xaq u leedahay inaad la xiriirto qareen, laakiin waa inaad adigu isku xilqaantaa la xiriirka qareenkaaga.

Yaan sharcigooda magangalyada dib u qiimeyn lagu sameyn doonin:

  1. Dadka sharciga magangalyada helay wixii ka danbeeyay kowda bishii October 2014. 

  2. Qofka helay degenaanshaha ama mar horeba qaatay sharciga dhalashada Norway.

  3. Qofka Norway lagu keenay qaab dacwo qoys ah ah, isla markaana qofkii keenay uu qaatay degenaansho ama sharciga dhalashada Norway.

  4. Dadka laga soo qaatay xeryaha qoxootiga( ee aan iyagu iskood Norway u iman, oo Norway ay soo qaadatay).

  5. Dadka sharciga magangalyada ku helay arimo la xiriira bini-aadanimo. Dadka heysta passportka ajnabiga buluuga ah.

  6. Qofka Norway qaab dacwo ah lqoys ahagu keenay, isla markaana heysta passportka ajnabiga buluuga ah.

Xigasho/kilde: UDI.NO(HALKAN KASII AKHRI MACLUUMAADKA AY SOO DHIGEEN IYO WARAAQADAHA SOOMAALIGA AH OO AY SOO RAACIYEEN)

FG: Hadii aad wax su´aal ah oo arimahan ku saabsan aad qabto fadlan la xiriir UDI-da ama qareenkaaga gaarka ah. 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments