tirsdag, mars 19, 2024

UDI: 42.000 qaado oo dalkaagii ku noqo. Maxaa kala heysto UDI iyo dhalinyarada reer Afgaanistaan

Hey´ada socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleyso sidii dhalinyarada da´doodu ay kar tahay 18-ka sano, isla markaana diidmada ka helay codsiga magangalyada ay si iskood ah ugu noqon lahaayeen dalkoodii.

Xukuumada hada talada heyso ee Erna Solbery ayaa diyaar u ah inay malaayiin krone ku bixiso qorshayaasha ay UDI-du rabto inay dhalinyaradaas si iskood ah ugu celiso wadankoodii.  Arintaas oo loo arko inay qeyb ka tahay olalaha doorashada ay Solberg xusul duubka ugu jirto inay kusii heysato kursiga reysulwasaaraha Norway.

Waxaa xeryaha qoxootiga Norway kunool kumanaan dhalinyaro reer Afgaanistaan ah, kuwaas oo da´doodu ay ka yartahay 18 sano, isla markaana diidmo ka helay codsiga magangalyada. Safaarada Norway ee Afgaanistaan ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadaneyso qorshahan ay UDI-du rabto inay dhalinyarada kasoo jeedo dalkaas dib ugu celiso wadankoodii.

[adsenseyu2]

UDI-da ayaa dhawaan bartooda internetka soo dhigay heshiis ay sheegeen inay la gali doonaan dhalinyarada reer Afgaanistaan ee rabta inay dalkoodii dib ugu noqdaan. Heshiiskaas ayaa waxaa raacsan lacag 42.000 NOK oo ay UDI-du siineyso dhalinyarada go´aansata inay dalkoodii dib ugu noqdaan, lacagtaas ayey UDI-du sheegtay inay bixin doonto afar mar oo kala duwan mudo 12 bilood ah. Waxaase ku xiran shardi ah in qofku uu sheego waxa uu lacagtaas ku isticmaali doono iyo qorshihiisa dib u noqoshada dalkiisa.

Sidoo kale hadii uu jiro qof dhalinyaradaas xanaanadooda balan qaadayaa, waxey UDI-du sheegtay inay siin doonto 10.000 qof, waase hadii uu qofkaas uu la shaqeeyo hey´ada socdaalka Norway, isla markaana uu balanqaado xanaada qofkaas dhalinyarada ah ee dalkiisa dib ugu noqonayo.

Ilaa hada waxaa lacagtaas soo codsaday tiro dhalinyaro ah oo isku dar dhan 79 qof, waxeyna kasoo kala jeedaa wadamada Afgaanistaan(21 qof), Ereteriya(32 qof) iyo Siiriya(26 qof).

Xigasho/kilde: VG, Nettavisen,  ABC-nyheter

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x