Talyaaniga oo ku hanjabay inuu 200.000 qoxooti ah usoo diri doono Woqooyiga Yurub

0
167

Dowlada Talyaaniga ayaa markii labaad mudo bil gudaheed ah ku hanjabtay inay woqooyiga Yurub usoo dareerin doonto boqolaal kun oo qoxooti ah, hadii wadamada kale ee Yurub aysan ka qeybqaadan dib u dajinta qoxootiga Talyaaniga ku sugan.

Talyaaniga ayaa sheegay inay Viso safar ah soo siin doonaan 200.000 oo qoxooti dalkeeda ku sugan ah, si ay ugu safraan wadamada Woqooyiga Yurub. Waxeyna sheegeen inay xaqdaro tahay in Talyaaniga oo kali ah uu qaado masuuliyada boqolaal kun oo qoxooti ah, kuwaas oo nolol usoo raadsaday wadamada Yurub.

Dowlada Talyaaniga ayaa dhowr mar qeylo-dhaan u dirsatay wadamada EU-da iyo woqooyiga Yurub, si ay gacan uga siiyaan dib u dajinta qoxootiga, waxaana muuqato in wadamo badan oo reer Yurub ah ay dhagaha ka fureysteen Italy. Taas oo hada keentay inay ku hanjabaan inay viso safar ah soo siin doonaan qoxootigaas, si ay ugu sii safraan wadamada woqooyiga Yurub oo aheyd meesha ay markii hore u socdeen.

Xigasho/kilde: Thetimes.co.uk

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments