Sweden: Sadex dhalinyaro soomaali ah oo lagu soo oogay dacwad ah kufsi ay u geysteen gabar 14 sano jir ah

0
109

Magaaladan Västrås ee dalka Sweden, waxaa dhawaan ka bilaaban doonto dhageysiga dacwad lagu soo oogayo sadex dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay kufsi u geysteen gabar 14 sano jir ah. Wiil afaraad uu isna lagu tuhmayo inuu ka qeybqaatay falkaas kufsiga ah, ayaanan maxkamada lasoo taagi doonin, sababo la xiriira da´diisa oo yar owgeed.

Falkan kufsiga ah ee lagu soo eedeeyay dhalinyaradan soomaalida ah ayaa dhacay bishii Juni ee sanadkii hore, waxaana la sheegay in dhalinyaradan ay gabadha ku kufsadeen guriga kuyaal magaalada Västrås.

Eva Morén oo ah dacwad oogaha kiiska dhalinyaradan gacanta ku hayso ayaa sheegtay in gabadha la kufsaday ay dhalatay sanadkii 2002, iyada marka uu falka kufsiga ah dhacay jirtay 14 sano. Taas oo kiiska kufsiga ah ee dhalinyaradan lagu soo eedeeyay ka dhigeysa mid adag.

Dhalinyaradan ayaa dhamaantood heysto dhalashada dalka Sweden, iyaga oo qaarkoodna ay qoysaskooda dhalashada la qaateen wax yar labo sano kahor.

Xigasho/kilde: VLT.SE

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments