Sweden: 80% dhalinyarada laga qaaday baaritaanka da´da, waxey da´doodu ka weyntahay 18 sano!

0
146

Dowlada Sweden ayaa dhowr bilood kahor bilowday in ay baaritaan xaga da´da ah ka qaado dhalinyarada magangalyo doonka ah ee sheega inay ka yaryihiin da´da 18-ka sano. Waxaa soo baxay natiijadii ugu horeysay ee baaritaanadaas, iyada oo ilaa hada la helay natiijada baaritaanka dhanka da´da ah ee laga qaaday 1481 qof.

Arinta fajaca noqotay ayaa ah in 80% ama 1215 kamid ah dhalinyaradaas laga qaaday baaritaanka, ay soo baxday in da´doodu ay ka weyntahay 18 sano. Halka 253 oo kaliya ay da´doodu ka yartahay 18 sano. Natiijada baaritaankaas ayaa sidoo kale lagu ogaaday in 13 kamid ah dhalinyarada baaritaanka laga qaaday ay da´doodu ka yaraan karto ama ka weynaan karto 18 sano(Lama hubo).

Baaritaankan ma yahay mid lagu kalsoonaan karo:

Waxaa soo baxayo eedeymo loo jeedinayo hey´ada ay dowlada Sweden u xilsaartay qaadista baaritaanadan, waxaana lagu eedeynayaa ineysan si dhameystirneyn u qaadin baaritaanada, taas oo shaki galin karta natiijada kasoo baxday.

[adsenseyu2]

Madaxa heyádaas ayaa iska fogeeyay eedeyntaas, wuxuuna sheegay in qalabka ay adeegsadaan uu yahay mid dhameystiran oo la isku haleyn karo, sidaas darteedna uu yaryahay qaladka ka imaan karo baaritaanka ay ku sameeyaan dhalinyaradaas.

Sweden ayaa soo rogtay baaritaanka dhanka da´da ah, kadib markii ay aad u bateen dhalinyarada kali socodka ah ee magangalyada soo weydiisaneyso dalkaas. Qaar badan oo dhalinyaradaas kamid ah, waxey sheegtaan inay ka yaryihiin 18-sano, halka qaarna aysanba garaneyn taariikhda saxda ah oo ay dhasheen.

Arintan ku saabsan natiijada kasoo baxday baaritaankaas ayaa dood weyn ka abuurtay warbaahinta Sweden, waxaana soo baxay walaac ay muujiyeen dhalinyarada magangalyo doonka ah ee dalkaas ku dhaqan. Natiijada baaritaanadan ayaa aakhirka sabab u noqon karta in dhalinyaradaas ay Sweden ka waayaan magangalyo, isla markaana dib loogu celiyo wadankii ay asal ahaan kasoo jeedeen.

Xigasho/kilde: RMV.SE

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments