fredag, mars 29, 2024

Soomaalida oo ah ajaaniibta labaad ee ugu badan xabsiyada dalka Denmark

Tirokoob ay dhawaan soo saartay hey´ada ilaalisa xabsiyada dalka Denmark, ayaa lagu sheegay in 30% dadka kujira xabsiyada Denmark ay yihiin dad soo galooti ah oo aan dalkaas u dhalan. Waxaana tirada ajaaniibta kujira xabsiyada Denmark ku yimid kor u kac dhan 6% lixdii sano ee ugu danbeeyay(from 2011=24%).

Soomaalida oo kujirto kaalinta labaad: 

Soo galootiga kasoo jeedo dalka Romania ayaa kujiro kaalinta koowaad ee soo galootiga ugu badan ee kujiro xabsiyada Denmark, waxaana soo raaca soomaalida oo kujiro kaalinta labaad, halka dadka kasoo jeedo Lutiania iyo Turkidu ay isku heystaan kaalmaha Sadexaad iyo Afaraad.

77 qof oo soomaali ah, isla markaana aan heysan dhalashada dalka Denmark ayaa kujiro xabsiyada dalkaas. Waxaana dhici karta in tirada dadka qowmiyad ahaan soomaalida ee kujira xabsiyada Denmark ay intaas ka badantahay, maadaama kuwa qaatay dhalashada Denmakr loo xisaabinayo Danish ahaan. Soomaalida kujirto xabsiyada dalkaas ayaa ka kooban kuwa ay maxkamad xukuntay iyo kuwo wali sugaya xukun maxkamadeed, isla markaana si kumeel gaar ah ugu xiran xabsiyada Denmark.

Dowlada dalkaas ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii dadka soo galootiga ah ee danbiyada ku gala Denmark dib loogu celin lahaa wadankoodii, si ay halkaas xabsiyada ugu dhameystaan.

Xigasho/kilde: BT.DK, D.DK

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x