Reysulwasaarihii Pakistan oo xilka laga xayuubiyay

0
129
Nawas Shariif

Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa xilka ka xayuubisay reysulwasaarihii dalkaas Nawaz Shariif, iyada oo sidoo kale ka mamnuucday inuu mar danbe qabto jago xafiis dowladeed. Maxkamadda ayaa Shariif ku heshay inuu hanti badan dibedda ku urursaday, kana qariyey dowlada, islamarkaana u noolaa si ka baxsan awoodiisa dhaqaale.

Afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa waxyar kadib xukunka maxkamadda ku dhawaaqay in Shariif uu aqbalay go’aanka maxkamadda, islamarkaana uu ka tagay xafiiska.

Guddiga maxkamadda oo ka kooban shan garsoore ayaa gebigood isku raacay xukunka maanta, waxayna ugu baaqeen mas’uuliyiinta la dagaalanka musuq maasuqa in ay baaritaan ku sameeyeen gabadha Nawaz oo lagu magacaabo Maryam, seygeeda iyo wasiirka maaliyadda Pakistan Ishaq Dar.

Dar ayaa sidoo kale maxkamadda waxay ka mamnuucday inuu wax xafiis ah qabto.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in baaritaan musuq-maasuq lagu sameeyo laba wiil oo uu dhalay Nawaz, oo lagu kala magacaabo Hussain Nawaz iyo Hassan Nawaz.

Xigasho/kilde: Voa-somali

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments